Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Saxafiga Caanka Ah Ee BBC Saciid Cali Muuse Oo Shaqadi Uga Tagay Wada Shaqeyn La'aanta Yusuf Garaad

Sunday - July 18, 2010

Saxafiga canka ah ee Siciid Cali Muuse oo sheegay inu mudo kow iyo labtan sano ah ka Shaqaynayey BBC da maanta uu iskaga tagay.
posted by: Xalane

Saxafiga caanka ah ee Siciid Cali Muuse oo sheegay inu muddo kow iyo labaatan sano ah ka shaqaynaayey Idaacada Bbc da isagoo imikana iskaga tagay Sicid Cali Muse Bbcd sheegayna  inu uu u shaqo tagaayo  Jimciyada Qurumaha ka dhaxaysa UN .

Siicid wuxu ah wariyayaasha ugu wayweyn  ee lantafka Somaliga ee loo yaqaan  bbc da  taasoo  maanta uu ka dhaqajiyey wariye kamida rugacadaydii laantaasi.

Siciid mudo dheer wuxu ka soo shaqaynaya wadankii laysku odhan jiiray Somaliya isagoo marana  macalin ahaa, maran wasaaradi warfafinta Somaliya ka soo shaqeeyey  muddo,  halka BBC dana uu ka shaqaynayey  kow iyo laabtan sano  waxa  wayadan dabme soo badanaya wariyayaasha iskaga  tagaaya bbc da.

Taaso la sheego  inay sababtay wada shaqayan la’aan Tafatiraha guud ee laanta afka Soamaaliga ee Bbc da Yusuf Garaad iyo ka dhaxaysa Shaqaalaha.

Taaso ay wariyayaasha ugu caansanaa  markay arkeen inay wada shaqayn karayn Yuusuf Gaarad iskaga dhaqaajiyay Idaacada  taaso hoos uu dhaca wayn ku keentay idaacada markii ay hore uga tagen wariyayaal badani oo ay ka mid ahaayeen C/salaam Hereri iyo Axmed Xasan Cawke imikana uu ugu dambeeyey  Siciid Cali Muuse oo ah wariye xaga wararka iyo isboortigaba daadihin jiray.

Yusuf Xalane

Warqabadka TogaHerer.com