Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Raggi Magaca Ku Lahaa Kudaa-fadi Fajac Abuurka Iyo Dad Kala Dila Ee BBC Oo Isku Luq-Luqday

Sunday - July 18, 2010

Saxafiga caanka ah ee Siciid Cali Muuse oo sheegay inu muddo 21 Sano ah ka shaqaynaayey Idaacada BBC-da ayaa iminka isaga tagay shaqadi hay'adaas,una shaqo tagay Jimciyada Qurumaha ka dhaxaysa UN oo shaqo u fidisay

Mr.Siicid wuxu ka mid ahaa wariyayaashi caanka rugcadaaga ugu waa-weynaa ee lanta afka Somaliga loo yaqaan BBC-da, maanta waa uu ka dhaqajiyey isagoo eedeyn dusha uga tuuraaya tafaf-tiraha Yusuf Garaad ee ay in badan is qabteen waa sida saaxibada saciid laga soo wariyaye.

Siciid Cali mudo dheer wuxu horay uga soo shaqeeyn jiray Somaliya isagoo marana macalin ahaa, mar kalana ka shaqeyn jiray Wasaaradi Warfaafinta Somaliya muddo aan yareyn, halka uu BBC-dana uu ka shaqaynayey kow iyo laabtan sano ...  waxa  waayadan dabme soo badanaya wariyayaasha iskaga  tagaaya BBC-da, Taaso la sheego inay ku timi is qoonsi had iyo jeer dhex mara shaqaalaha laanta iyo Tafatiraha guud ee laanta afka Soamaaliga BBC-da , waxaana muuqata in arintaas ay hoos uu dhac wayn u keentay idaacada siiba markii ay hore uga tagen wariyayaal badani oo ay ka mid ahaayeen C/salaam Hereri iyo Axmed Xasan Cawke imikana uu ugu dambeeyey Siciid Cali Muuse oo ah wariye xaga wararka iyo isboortigaba daadihin jiray, waxaa kalo la xusaya in inta badan muranka wariyaasha iyo tafatiraha Yuusf Garaad uu ku saleysanyahay sababo la xariira maxaad aaminsantahay .. naga riix .. reer hebel u riix .. kwaas ka leexi . 

Sida la ogyahay ama la aaminsanyahaba idaacada BBC Laanteeda afka Somaaliga, waqti ficil hore iyo ficil xaadirba tacdi weyn ayey umada Soomaali ku sameysay, waxay danihi iyo nabadi dadka ay in muddo ahba ku sameynayeen daba fur-fur iyo doc ka wareen, kala dileen eheladi iskuna direen .. ma filaayo shacabka Soomaali inu halmaami-doono dhiri-galinti BBC-da ay u sameysay tuugadi iyo beenaal-yaashi laba wajilaha ahaa ee dalka rogay ... maxay makroofan hoos dhigeen oo magac dheer mashhuur lagu muuneeyey, geesi ku tilmaameen kuwa dhuuni-raaca, kuwa hoos yaac ah iyo ibleys iyo nin xun intaba ... kuwaas xage bay uu soo martay martabo qiimo leh iyo dirac lagu tilmaamo ... Raggii magaca lahaa ee uu soo dhintay xurnimadi iyo horumarkii dalka, lagu yiqiinay wadaninimada kana xishoon jiray waxa xun, waxay siiyeen magacyo aan ku habooneyn sharaftooda ... waxay weriyaashaas BBC diideen iney makroofanka uu dhiibaan ragii sama taliska ahaa ee nabada iyo daris wanaaga ku baaqi jiray, oo waxay ka jecel yihiin dagaal huriye iyo nin leh hebel baan dilay, walaalkey baan qalay ... Nin Caan ku ahaa murtida Soomaaliyeed ayaa laga sheegay " Duqsiga Qurunka Uma Soo Uro Oo Waaba-Quud-sanaaye"