Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Sacuudiga Oo Si Qalad AH Daldalaad Ugu Dabray Mawaadin Masri Ah Oo Cibaadeysi Cumra Uu Yimi Makka

Wednesday - July 21, 2010

Sacuud Arabia- Jida : Axmed Ma’muur oo ah nin ka tirsan Saraakiisha Kastamada dalka Masar ayaa mar uu maalintii sabtidii uu doonayay inuu u baxo dalka Sucuudiga oo ku soo cumraysanayay, la kulmay arrin yaab leh oo fajiciso naxdin leh ku noqotay. Isagoo mar alaale markii uu gagida dayuuradaha magaalada Jeddah ka degay lagu wargeliyay inuu yahay nin mudo dheer la raadinayay oo isagoo maqan waqti hore dil lagu xukumay.

Waxaana mucjiso ahayd Iyadoo dhalashada, muuqaalka iyo kaaga sii darane magaciisa oo seddex-anba ay noqdeen ninkaas dilka iyo daldalaada lala sugayay, halkaaso dabar adag lagu xiray laguna sanduleeyey inu dambiga qirto shido yari.

Ciidamadii booliska ahaa ee baarayey waxay isku raaceen in ninkani yahay dambilihi la raadinayay. dabadeed Arrintan ayaa filanwaa iyo amakaag ku noqotay Axmed Ma’muur oo ku doodayey inaanu hore cagaha u soo dhigin dalka Sucuudiga isla markaana uu yahay qof aan wali cidna danbi ka galin .. Ugu dambeyn markii bolisku si dhakafaara u kiiski baarayey 9 saacadood oo taxana ah  ayaa markii dambe Magaca hooyadii badbaadisay! oo la ogaaday in magaca hooyada uun ku kala duwan yihiin labada nin, waxaana boliskii markiiba uu muuqatay inusan ruuxaan ahayn nikii la doonaayey .. dabadeed ninkii masaarida oo in yar ku sigtay qoor gooyo ayaa xarigii gardaduubkaa laga furay, halkaasna lagu amray macangag tagrooni haraadka u qabay dhiiga inu seeftiisa galkeedi ku celiyo , iyadoo raali-galina la siiyay ninkii dhacdadaa naxdinta murugada leh ku habsatay.