Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Waa Casharki Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al- Digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Thursday - July 22, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

                                ------------------------------------------------------------------------------

Eebe Ha Na Ceynshe Ku Soo Dhawaada Digtoor Shiikh Shuceyb Oo Ka Hadlaaya Diyaargarowga Ramadaanka .. Alaha Ha Nagu Anface.                                 ________________________________________________

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee ku maneystay adoomadiisa xili la mid ah midka albaabka noosoo taagan, iyo saliga Suubanaha  loo soo diray adoomada Allah si uu uga saaro mugdiga Jahliga iyo Kufriga oo ugu baxsho iftiinka Aqoonta iyo Tawxiidka, N.N.K. ha ahaato. Waa Allah fadligii mar hadii bishii barakada badneyd ee Ramadan nooga hartay wax ka yar sadex usbuuc oo lagu wado in 11 August ay ku beeganto maalinta ugu horeysa, inkastoo ay dhici karto in maalin dib uga dhacdo ama uga soo hormarto hadba sida bisha loo arko, Allah waxaan ka baryayaa in aniga iyo idinkaba nagu gaarsiiyo caafimaad, inoo fududeeyo gudashada waajibka weyn ee na wada dhowraya.
Adoomada Allah waxey u qeybsan yihiin sadex qeybood sidii Allah noogu tilmaamay Qur'aanka kariimka ah, 1) mid dulmiya naftiisa 2) mid khayrka ka gaabiya iyo 3) mid u dheereeya khayrka. Allah ha inaga yeelo kuwa khayrka u dheereeya maxaa yeelay wixii khayr ah ee adoonka Allah la yimaado wuxuu ka heli Allah agtii iyada oo loo kordhiyay wax ka badan 70 goor, bishan barakeysana kumasii jirto maadaama Allah na faray inaan ka tusaale qaadano Subanaha Mohamed NNK ha ahaato oo nala amray inaan ku dayano oo ka amar qaadano, waxa la hubaa in Suubanaha uu ahaa adoon Allah oo aad u jecal inuu la yimaado wixii khayr ku jiro oo idil sanadka oo dhan, bisha barakeysana uu sii kordhin Jiray, umadiisana fari jiray in la kordhiyo wixii khayr ah oo loola danleeyahay Allah dartii. Waxaan Allah ka baryayaa in Camalkeena uu ka dhowro Riya'a iyo Nifaaq kana yeelo kuwo aan ula nimaano Isaga dartii oo qura.
Sidii balanta noo aheyd intaan ku jirno bisha khayrka badan waxaan kusoo koobi baraarujinta Jimcaha mas'alo ku saabsan qofka bukaanka ah iyo cibaadada la doonayo inuu guto, sidaan ognahay Cibaadada Salaada Allah kama cafin Adoonkiisa xataa markuu bukaanka yahay, waxaa kaloo la ogyahay Soonka inuu sidaa ka duwan yahay oo laga cafiyay bukaanka inta ay bukaan, sidaa darteed waxa is xasuusin mudan in salaada aysan suurto geleyn dahaaro la'aanted, hadaba waxaa isweydiin leh? Hadii qofku isku arko kaadida ka dib dhacaan Cad (Madhi) sidee u weyseysan karaa si sax ah? Waxa la ogyahay dadka qaar ka mid ah markey isku arkaan dhacaanka Cad ee ka yimaada Guska,  waxey dhowr goor jiidaan oo tuujiyaan Xubinta galmada raga si ay uga dhameeyaan wixii ku haray.
Jawaabtu waxey tahay?
Ma haboona in qofku isku kalifo inuu tuujiyo xubinta galmada ragga (Guska), maxaa yeelay in sidaa la yeelo waxey keeni kartaa dhib badan waxeyna sabab u noqon kartaa mas'aladii aan kaga hadlay baraarujinta Jimcihii hore ee aheyd in kaadida ay soo daadato kadib marka qofku istaago, markaana sabab u noqota wiswaas badan oo ku beerma qofka. Waxa ugu haboon waa in qofku ka istinjoodo  isaga oo isticmaalaya biyo, hadii la waayo biyo waa inuu isaga tiraa dhagxan sadex goor ama ka badan kaadida, kadibna uu weyseysto, Allah ma kalifo adoomadiisa, diintana ma aha wax loo soo dejiyay in adoomada Allah lagu jirabo. Mida ah dhacaanka cad ee ka yimaada Guska kaadida ka dib wuxuu la mid yahay kaadida oo qofku wuu ka istinjoon kadibna wuu weyseysan, laakiin hadii dhacaankaa sabab uu u ahaa qofka oo dareemay kacsi dartii, waxa haboon inuu si wanaagsan u dhaqo Guska iyo futada labadaba siduu noo tilamaamay suubanaha waxana lagu magcaabaa *Madhi* oo wuu ka duwan yahay midka la yiraah *Wadhi*, midkan dambe waxa laga dhaqi inta uu kaa gaara jirka oo qura, kadibna waa la weyseysan karaa.
Allah oo qura baa mudan mahad, Allaha noosoo diray Adoon ka mid ah kuwiisa uu fadhli yeelay, NNK ha ahaato si uu noogu kala saaro, xaqa iyo baadilka, oo noo baro sidaan u gudan laheyn cibaadada Allah na faray.
 
Hadii aan asiibay waa Allah mahadii, hadii aan gefay waa nafteyda iyo sheydaanka oo qura.
 
Ramadaan Wanaagsan ... Al Amin, Abu Yusuf