Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Warbixin : Maxaa Ka Socda Degaanka Galgala Ee Puntland

Friday - July 23, 2010

Wararka ayaa xaqiijinaya in ciidamada Puntland ay gudaha u galeen meelo ka mida degaanka Galgala si cagta cagta ugu saaraan hogaamiyaha Maxamed Saciid Atom iyo maleshiyadiisa fejigsan  .. iyado ciidamada dawlada sida la cadeeyey qorshahoodu yahay lagu durduriyo, cadaadin, dhabar jabin dabadeed la qab qabto jeelna lagu miiso, iyagoo illa afar jiho oo istraatiiji ah ciidamadaas ka galeen degaanka aagagaas, waxaana la tilmaamay in askarta halkaas lagu aruuriyey ay tiro ahaan caga cageynayaan illa 200-300 oo askari badankoodana ku hubeysan hubka fud-fudud ugu weynyahay boobe iyo baasuukayaal, waxaana si gaar u hubeysan ciidamada PIS-ta oo sida la sheegay ku qalabeysan hub otomaatik casri ah iyo isgaarsiin gaara oo ku xiran satellite-dka CIA-da. labada dhinac si mitid ah, ayey ku diyaargaroobayaan oo midba midka kale isku deyaya in uu awoodiisa wax ku maquuniyo, kana dhigo wax aan awood badan lahayn.

Hawlgalka degaanka Galgala sida la ogyahay saraakiiska argagixis la dirirka geeska afrika ee mareykanka sheekada socota "consultant" bey ka yihiin, haba u badnaadeene taakuleynta dhinaca kharajka hawlgaladaas fududeyn-kara, waxaa kalo la xusaya carabkana loo badinaya in askarta hawl-galadaas ku jira loo qoray guno gaara oo ka baxsan mushaarkooda, sido kale waxaa la xusay in ciidamada dawlada ee ka soo jeeda beesha shiikh Atom aan laga qayb galin oberation-ka Galgala oo iyaga maalmo ka hor siiba inta qorshaha lagu jiray hawlo kale lagu maaweeliyey, oo saas dan ayaa la mooday ayaa la yiri. 

Dhinaca kale maleeshiyada taabcasan wadaadka mitidka, ciilka la hingoonaaya Shiikh Maxamed Atom ayaa iyagu markii hore tiradooda lagu qiyaasayey illa 120 qof oo iyagana sita qoryaha fudud ee loo yaqaan Ak-47 iyo PKM , hasa ahaate mudadi wareysigi bbc madaxweyne Faroole kadib dhallinyaro ka gadooday sheekada halka ay gaartay, dhiilo qabiil, xayd-xayd colaadeed intaba awgeed waxaa la cadeeyey in afartaneeyo dhalin-yaro maleeshio ay aaga wadadkaas Atom ku biireen welina tel-tel halkaas ku qul-qulayaan, laakiin sida loo badinaayo afka inkasto ay degaankii familkoodu yahay goobta ay tageen, geeloodana gaawaha ku lisan-karaan, haddana ma jiro war sugaaya in taakuleyntoodo mudo dagaal ku filantahay, waayo inta badan jidadka loo maro goobahaas kontoroolo aya ku gaadaaman, waxaana qorshaha dawladu tahay in Shiikhaas iyo maleeshiyadiisa halkooda lagu go'doomiyo mudo aan la cayimin, inkasto rag maamulka ku jira qaarkood ay leeyihiin hawsha lama rabo iney la gaarto biisha Ramadaan .. laakiin waxay kalo carabka ku dhufteen in haw-lgalka ujeedadiisa weyn looga dan-leeyahay ay tahay in awood sareysa iyo guul-guulka iyo daabuleynta ciidamada ay keento in hogaamiyaha iyo kooxdiisa cabsi awgeed miiska maslaxada nabada ku ogolaadaan . 

Hasa ahaate duqey iyo indha-garad lagu dugaali-karo kuna sugan Boosaaso iyo Garowe xaaladaan socota wax laga weydiiyey waxay cabireen in qorshahaas u yahay macno-daro qabweyni ku dhisan oo ay dhici-karto in puntland uu xuubsiibato goob qab qablayaal dagaal oo maamulkii dhoo-dhoobka ahaa halkaas ku wiiqmo, ma aha ayey yiraahdeen in maskaxdii, garaadkii, taladi iyo sharafti la mudnaa, in madaxweyne faroole dadkii iyo odayaashi ehelka u ahaa ka marooqsado .. waxay intaa raaciyeen oo yiraahdeen; waa nala gacan dhaafay oo gardareysi ayey u muuqaneysa sheekada galgala haddi aan sabab lagu qancin nala tusin .. waxay dhaheen; Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed, ma aha inu gardaro sokeeye gees biciid uu yeesho, ayey hadalkoodi ku soo gaba-gabee-yeen. 

Dhinaca kale sida warka la isla dhex maraayo ay sheegayaan, waxaa la rumeysanyahay in degaanka Galgala ay degaan u tahay inta badan beesha Shiikh Atom, ma aha galintaankeeda dagaal wax sahlan ..Shiikh Atom sida la soo cadeeyey waxuu isku wareejiyey ciidamo ku gaashaaman RPG, DShk machine guns iyo PKM anti aircraft, isla markaana buuraha ka sameysteen xayndaab dhufeysyo aan la mari-karin oo ay isaga caabiyaan ciidamada weerarka ku soo ah ee faroole .. goobta ay ku jiraan kama duwana Buuraha Tora- Boora-da Afgaanistaan.

Shabakada Galdogob Times Oo ujeedo sahan khadka isgaarsiinta kula xariirtay meelo kala duwan oo caalamka qorba joogta punt-land joogaan, waxay isku soo duu-duub nuxurka rayigooda isku raaceen iney nafsadooda ku abuurantay caro meel ay ka baxdo la' .. masuul kasta oo wax qabta taariikhda ayaa xusta , sido kale masuul kasta oo wax qaloociyana taariikhdaa xusta, umada ayey yiraahdeen waxay isku afgartaan oo ay ku kala socdaan hadba wixii ay dhigtaan oo sharci ah, qof walibana dalka xaq ayuu ku leeyahay isaguna lagu leeyahay ... degaanka Galgala sheekada ka socota dhinici laga eegaba waa dhafoor qabad ayey yiraahdeen, waxayna intaa raaciyeen oo yiraahdeen; xabaalaha walaalkii nin dhigay waa u ku xigaa,  waxay runta tahay kiiska Galgala daba wareejinta aan meel mareyn ha laga daayo oo meel aan xaqiiqada oolin yaan wax laga baarin, labada dhinacba gurmadka dagaal ee qiireysan yaan lala fogaan, oo garta ha loo daayo waayo arag iyo ruuug cadaa-yaal beel weynta Puntland, iyadoo ay tahay dhinac kasta in laga baaro qodobadaan hoos ku qoran:

1- Yaa goobaha la tilmaamay ku dhaabay calamada madow ee astaanta Shabaab , ma sirdoonka dawladaa ka dambeeyey oo marmarsiiyo raadinaayey, mise wadaadka Atom ayaa amray oo qirtay?

2- Hubka uu ku dagaalamayo Shiikh Maxamed Atom ma mid beeshiisu leedahayba oo qof-qof loo leeyahaybaa, mise waa keyd Shabaabka meesha uu yaalaa? 

3- Maxaa cad oo la hayaa fal uu ka geystay Shiikh Atom meelo ka mida Puntland, maxaase ka dhaxeeya dagaalkii horay uga dhacay general Cade Muuse iyo Shiikh Atom, iyo kan hadda la abaabulayo .. ma la dhihi-kara dagaalku waa mid dhaqaalle, mise waa mid la siyaasadeeyey oo ujeedo badan ah.

4-Maxaa ka dhaxeya Shabaab Iyo Shiikh Atom, ma amar uu ka diiday faroole ayaa loogu nabay shabaab ,mise cadeyn ayaa loo haya ka mid ahaan-shihiisa shabaab or "proxy of shabaab"?

5- Dhllinyarada ku aruursan Degaanka Galgala ee difaaceysa Shiikh Atom ma kuwa ka tirsan beeshiisaa oo qabiil ahaan u difacaya, mise waa gurmad shabaab oo uga yimo meelo kala duwan?

intaa iyo wixii la mida waa in baarista laga ambaqaada oo xaqiiqada iyo garta aan laga baqin, teeda kale waa in garta dhinaci laga helo uu u hogaansamo, waase qaadan-kara rafcaan "appeal" oo waa dhihi kara garta geed kale ha la ii geeyo, fikirkaas ayaa dadkii qurba jooga ay qabaan , waana in labada dhinac aysan saluugin dhambaalka walaalahood qurba joogtada ee la share-gareynaya xanuunkaas sorry-ga leh