Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Somaali Side Bey U Arki-doonaan Askartii Nijeeriya Ubadka Ku Reebtay Liberia 500.000 Oo Caruur Ah

Sunday - July 25, 2010

West Africa - Dr.SuleYakubu oo ah hogaamiyaha Directorate of Technical Cooperation ayaa shaaciyay in 500,000 ( shan boqol kun) oo caruur ah ay dhaleen askartii Nigerianka ee ka qeyb qaatay nabad ilaalinta ECOMOG ee Liberia. Nigeria ayaa ugu badnayd ciidamada nadab ilaalinta ee la geeyey liberia sanadkii 1990 ayuu yiri Dr. Yakubusi.

Dr.Yakubu, oo la hadlayay Gudiga Abike Dabiri-Erewa-led Committee on Diaspora ayaa shirka ka sheegay in ciyaalka intooda badani ayanan garaneynin aabayashood, halka hoyooyinkna raadiyeen askartaasi intooda badanina ay u guureen gudaha dalka Nigeria, siiba tuulooyinkii ay ka soo jeedeen. 

Warkaan hada soo ifbaxay ayaanan la garaneynin sida ay shacabka Soomalida guud ahaan u arki doonaan qorshaha hada la saxiixay in cutubyo cusub oo askar African ah loo soo diri doono dalka Somalia .. Dawlada musuqa- tabarta daran ee Somalia ayaa soo dhaweysay go’aankan, halka qurba joogtada ay ka gaws haystaan ciidamo ku taageerida dawlada Shiikh Shariif iyo xoogaga mucaaradkuna ay si cad uga horyimaadeen.

Si kastaba ha ahatee, go’aan ka soo baxay gudiga Abike Dabiri- Erewa ayaa sheegaya in ay gudigu booqosho ku tagayaan dalka Liberia si ay xaalada caruurtaas u soo ogaadaan.