Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Mr Sagbo..Ruusko Ku Diirsaday Nin Isir La Wadaaga Obama Oo Shafka UTumaya Kacdoon Anfac Iyo Udug Leh

Monday - July 26, 2010

Russia magaalada Novozavidovo, ayaa dadweynaha ku nool magaaladaa yari ahaan jireen kuwo ku dheygaga Jean Gregoire Sagbo, sababtoo aheyd waxaanay horeba u arag ruux madow. Hadda ay sheegeen inay ku arkeen arrin aad ay u yartay in dadka lagu wada arko taas oo ah siyaasi daacad ah.

Bishii aynu soo dhaafnay ayuu noqday ruux madow ah kii ugu horeeyey ee jago masuuliyadeed loo soo doorto dalka Ruushka. Waddankaas oo midab-takoorku yahay arin adag oo ku xidideystay oo inta badan rbshado abuura ayaa Sagbo doorashadiisii ka mid noqotay tobanka xildhibaan ee deegaanka Novozavidovo laga soo doorto, taasoo noqotay taariikh xusuus mudan, hayeeshee 10,000 ee dadweynaha uu ku dhex noolyahay magaaladaas ayaa ninka 48sano jirka ah ee u dhashay Afrikada galbeed waddanka Benin ayey ku u arkeen inuu ku bannaan yahay ruux waddaniya oo raashiyaana daneynaayana dhulkiisa hooyo ee uu ku nool yahay.

Markii uu ololaha doorashada ku jiray ayuu balanqaaday inuu wax badan ka qaban doono nadaafadda saboolkanoqotay iyo qashin magaalada haleeyey, halkaas oo uu ku noolaa muddo 21sano ah oo uu ku yeeshay xaas iyo carruur, waxaa kale oo qorshihiisa ka mid ahaa dhimista qabatinka daroogooyinka baahay, nadiifinta biyaha wasakheysan ee harooyinka iyo taabagelinta gudbiyaha kuleylka lagu isticmaalo guryaha (heating system) oo la gaadhsiiyo dhammaan dhismayaasha magaalada. Wuxuu yidh mar wareysi lagula yeeshay dhismaha dawladda hoose ” Novozavidovo way dhimaneysaa waana guryaheenii waana magaaladeenii sida ay u eekaatayna laguma noolaan karo.” Sagbo ayaa yidhi.

” Midabkiisu waa madow hayeeshee dhiiga iyo dhuuxa ayuu raashiyaan ka yahay,” waxaa sidaas yidh Duqa magaalada Vyacheslov Arakelov. Wuxuu ku sii daray ” sida uu u danneynaayo wax u qabadka magaalada ruux wadniya ayuunbaa u daryeeli kara.” isagoo sii wada hadalkiisii wuxuu yidhi ” Sagbo uguma horeeyo ruux madow oo siyaasada dalka Ruushka isusoo sharaxa, nin kale oo Afrikada galbeed ah Jaaquin Crima oo u dhashay dalka Guinea-bissaw ayaa u tartamay inuu madax ka noqdo demo ku taala koonfurta dalka sandkii hore hayeeshee si xun ayaa looga badiyey, waanu ku guul-dareystay.

Crima ayaa warbaahintu ku tilmami jireen “Obamihii Ruushka ahaa,” wakhtigana waxay u wareejiyeen inay ku isticmaalaan naaneystaas Sagbo inta badan mark uu wax ku dhawaaqayo.

” Magaceygu maaha Obama ee waa magac xiiso aad u weyn leh, waana nin madow, aniguna madow ayaan ahay, haseyeeshee xaalkayaga guud ahaan aad ayuu u kala duwan yahay.” Sagbo ayaa yidhi.

Waxaa dhiirigelintiisa lahaa koox rayiga shuucinimada ku xeeldheer, Sagbo wuxuu yimi dalkii Midowgii Soofiyati 1982-kii, wuxuu ka bartay cilmiga dhaqaalaha caasimadda Moscow, halkaas oo ay ku kulmeen haweenayda uu guursaday oo u dhalatay magaalada Novozavidovo oo u jirta caasimada 65meyl, wuxuu u guuray magaaladaas yar 1989-kii si uu u dhawaado xididkiisa oo dadka deegaanka ka mida, waxaa ugu dhashay laba carruura, waxaa uu rasmi ahaan uga shaqeystaa shirkadda Midowga Moscow oo uu u yahay dhexdhexaadiyaha iibka dhulalka iyo guryaha. Shaqadan xil-dhibaaninadu waa mid aan lagu siineynin mushahaaro haddana uu tartan doorasho u galay inuu ku guuleysto. Isagoo sheegay inaanu isaga iyo xaaskiisa midkoodna jecleyn iyo ku xoogsadaan shaqooyinka siyaasadda ee dadweynuhu ka aaminka baxayaan.

Dadka deegaanka ayaa yidhi waanu bixin laheyn wixii qaan-sheegada ee kuleyliyaha guryaha iyo biyaha kululba ee nalaga rabo, hayeeshee waxtar xumidii dawladda hoose ayaan labadaa midna waxba ka qabanin. Xidhibaan ahaan Sagbo ayaa durtaba guulo la taaban karo ka gaadhay waxqabadka magaalada, wuxuu isku habeeyey dadka deegaanka oo si ay isaga ururiyaan lacag lagu rinjiyeeyo gidaarada dhismayaasha u dhaxeeya, wajahadaha iyo ila wareegooda dambe, waxa uu sameeyey koox kubbad cagta ah oo dhallinyarada uu ka soo xulay magaalada oo uu hore ugu ballan qaaday.

Dhallinta iyo dadweynuhuba raali ayey markiiba ka noqdeen talaabooyinka muuqda ee uu qaaday dhinaca isku xirka jiiraanka iyo bulshada