Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Khasnadi Sirta Culus Ee Milatariga USA Oo La Quftay, Fasahaad Iyo Maroor-dilaac Badana Laga Arkay

Tuesday - July 27, 2010

Sirta fakatay oo ku baxday website layiraahdo WikiLeak kuna daalacsiinayay waxa uu ugu yeeray saxaafada cilmiyaysan ayaa waxaa uu ku sii daayay 90,000 waraaqo muhiima oo kala soocnaa kuna saabsanaa dagaalka Afgaanistaan,
waxaa kale oo Wikileak la leeyahay waxaa uu shaaciyey sir muhiima oo oo ciidamada milleteriga maraykanka iyo diplomaasiyiin isugu jira oo lagu qiyaasay 76,000 oo la ururiyey 2004 ilaa bishii koowaad ee sanadkan.
marka u horeeya Accountiga la jabsaday waxaa iska leh ciidanka Milleteriga oo ay ku kaydsanaayeen intii ka dhimatay, dhaawacyadii, wixii halisku ah ciidanka, hadaba ninka leh WikiLeak.Org oo la yirahdo Julian Assange oo soo bandhigay sirtan ayaa yiri waxay xambaarsan tahay cadaymo fal-denbiyeedkii ciidamada iyo tacadiyadii ay gaysteen.

Waxaa uu intaa sii raaciyey dhacdadani qofna ubax udgoon ursiin mayso khaasatan Talabanka waxaase jira qaar ka mida ciidanka oo iyaba dabeecadoodu khaldan yahay dawlada maraykanku si xooga aya u dhaleecaysay arinkan qof ama kooxi ay khatarta ku gelinayso ciidamadeena iyo gebi ahaanba xulufada ayaa war bixi lagu sheegay waxaa markiiba sheegay jariirada THE GUADIAN , THE NEWYORK TIMES IYO DER SPIEGEL intii aan cidkaleba sheegin akhbaartan oo xambaarsan xogo aad u tira badan oo ay ka mid yihiin shicibkii ku dhintay cir iyo dhulba hadaldii bin ladin ee uu lahaa madaxweynaha afgaanistaan hala qarxiyo ciidamada pakistan oo si hoose u cawiya Talabanka iyo dhug-dhuglayal loo adeegsado qaraxa sirtan fakatay oo aad u tira badan ayuun baa hada hadal haynteedu cusub tahay wixii ka soo kor dhana la soco.