Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Xaaladi Ugu Dambeysey Degaanka Galgala Puntland

Friday - July 30, 2010

Muddo aan yareyn ayaa dadyooga Punt-land meelkasta ay joogaan ha ahaado qurba joog ama gudo joog muran badan ka taagna arinta Shiikh Atom, oo bulshada dhexdeeda is ku qabsatay keeba halkaa maray iyo isaga ma aha iyo waaba la ogaan waxuu soo wado, waxaana inti waqti ah socotay xarig kala jiidashadaas ...   beelaha  Punt-land qaarkood ayaa uu arkay in shiikhaas uu ka gadooday buurahana uu galay caga jugle iyo cadaadis uga yimi dhinaca sirdoonka PIS-ta iyo madaxda punt-land itaba, sidaa darteedna aragtidaa awgeed grubo toleed ayaa uu guuxay oo yiri; maa ninka lala hadlo  .. halka dad beelaha qaarkood ay fikir iyo aragti ka duwan ka qabeen shiikhaas oo u arkaayey nin itaal-daran hadana is-maqiiqaya, garna qaadaneyn .. Amar dawla mudeec ninkii diidana dabaal .

Shiikh Maxamed Saciid Atom ayaa ugu dambeyn qofkasta shakiigi ka saaray,oo ubocdi qarsooneyd banaanka soo dhigay .. afkuu ka hadlay oo cadeeyey inusan ahayn al-shabaab, hasa ahaate ku goodiyey shafkana uu tumay inu diriir galayo haddi la soo maago oo Puntland qiiq iyo habaas horleh lagu arki-doono

Waxaase amuur la yaaba leh noqotay in qiirashadiisa u ku cadeeyey inusan ka mid ahayn al-shabaab, oo run ahaanti hadalkaas waxay farax iyo mashxarad galisay cadawga reereysan, uurka uga bukay wax yeeleynta waxaan dan u ahayn puntland , waayo rag is guraaye qorshaha hagardaamada cadawga puntland, waxuu ahaa iney qaab qabiil dalka marka hore ku wiiqaan oo 26-da qabiilo halkaa dagta qolo kasta halkeeda isbaaro ku xirato, dalkuna la ciir-ciiro guluf-colaadeed iyo nabadgalyo xumo, dabadeed dadka markay xeradoodu ba'do, dam-daguugan dhacdo, ay umada reer puntland dan awged aleelaha u ruxaan soo dhaweynta A-shabaab ..halka Somaliland xaalada Puntland xili-kasta ku eegeyso indho qoroto, iyadoo gobolada dhexana iyo baydhabo ku khaafsan isu il-jabin ... ujeedadu waa marka hore gogol xaar in loo sameeyo wadadi ay shabaab ku imaan-lahayd oo ah in reer puntland gogoshu halkay u taal taraq ku tuuraan, yacni dagaal sokeeye

Dhinaca kale iyadana hogaanka maamulka puntland iyo laamaheeda amniga hadalka shiikh Atom u ku yiri; ka mid ma ahay shabaab, waxay ku noqotay dhabar jab iyo afkoodi oo ay cawska la waayeen iyo hogosho ciil, maxaa yeelay himiladooda rajo ayaa ahayd inu Shiikha Atom sheegto Al-shabaab si ay degaanka bulshada iyo caalamka uga helaan taageero budeyntiisa " crush", laakiin nasiib daro faroole iyo jaalayaashiisa waxay u muuqdeen sidi gorgorkii samada laafyoon jiray oo laan ka kici waayey, oo waakaas wadaadkii Galgala ka galgashay muska ka baxay gacan ku seyray ka mid ahaanshi-hiisa Shabaab, hasa yeeshe maamulka weli ma quusan oo waxuu ku adkeysanayaan in Shiikh Atom yahay wakiilka Shabaab ee cariga Puntland, waxaana rag isku xoqa maamulka Cabdiraxmaan Faroole cadeeyeen in Shiikh Atom laga hayo cajalado duuban oo ay ku wada hadleen rag argagixisada ku shaabadeysan oo dunida dacaladeeda ku sugan gaar ahaan mareykanka, Kenya, Mogdisho, Baydhabo Iyo Kisimaayo

Sirdoonka Mareykanka Iyo kuwa itoobiya-ba,waxaa buugooda ugu diwaangashan in Shiikh Maxamed Atom iyo Shiikh Cali Warsame Burco degan ay labaduba ka tirsan yihiin argagixisada la baadi-goobayo,sida darteed labada maamul waa Hargeysa iyo Garowe markasta laga dalbadaa in labadaas hogaamiye amniga loo soo xero-gasho si su'aalo loo weydiiyo , hasa ahaate labada dhinacba-maamul raacdeyn-tooda wey ka gaabiyeen sababo jira awgeed oo ay mari-waayeen, iyado sida la sheegay madaxweyne Riyaalle jawaab ka dhigay in hadalka go'iwaayey cali Warsame wax ka qaban-doono geemka doorashada socota ka dib, ma daama uu codka shacbiga Burco u baahanyahay, waana laga gareystay jawaabtiisa ayaa la yiri, waxaase iminka la filaya in hawsha u taalo madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Mareykanka iyo itoobiyaanku ku sahmin-doonaan niyad samida wada shaqeynta argagixiso la dagaalankiisa.   

Warka iiminka ugu dambeya waxuu sheegayaa in Aw,Garcas iyo Oday, Shiikh iyo Caalim wax garta ee beesha Dubeys warsangali ay qaadeen talaabooyin rajo fiican leh oo wax lagu samata-bixikaro, iskuna sanduleeyeen iney mushkiladaas walbahaarka leh si dhalasho iyo xigto ku dhameeyaan, waxaana warku intaa ku daraya in ay doonis nabadeed iyo danaha beesha awgeed iska dhex saareen gudiyo walaalo ah wax kuna eexan, kana eexan garta, kana kooban jilbyada beesha oo ay halkaas u dirayaan maanta illa beri midkood gudaha degaanka Galgala si ay ugu sheegaan shiikh Atom in nabada qof waliba dan u tahay, gar-diidna alla diid yahay, isla markaana la ogoleysiiyo dhinici gartu u go'do iyo kay ka go'doba, waxaana la sheegay in shiikhu aqbalay gudigaas uu soo socda .. qodobada ugu muhimsan ay ula tagayaan waxaa ka mida ayaa la leeyahay.

1- Gudigaan oo walaalaha ah kuna eexan kana eexan wixii ay soo goyso loo bandhigo sidu maya ama haa ka yeeli-lahaa.

2- iney ku wargaliyaan Atom nabada iyo xasiloonida puntland aysan ahayn mid lagu gorgortami-karo oo beesha Dubeys ka go'ntahay iney iyadu ugu horeyso dagaalka frontada ee ka hortaga wax kasta oo wax yeeleynaya amniga dalka.

3- in shiikh Atom lagu wargaliyo in isaga iyo Cabdiraxmaan Faroole midkoodna aan dalka loo miineyn-karin .. dalka iyo qabiilnimo lays ku hoos qorin .

4- Iyo Shiikha inu wixii hub ah ku soo wareejiyo odayaasha beesha 

5- In dhamaan dhallinyaradaas Shiikh Atom la harsata meesha laga soo kaxeeyo, loona sheego iney danahooda raacdaan oo aysan jigraarin waalidkii dhalay, gurayahoodana gubin, wixii aan degaanka u dhalana goboladoodi si nabada loogu celiyo iyo meeshi ay ka yimaadeen

6- In shiikh Maxamed Atom, duqnimo loo cizeeyo, waadaadnimo loo darajeeyo, loona balanqaado nabadgalyadiisa, oo reerka iyo maamulkaba ka masuul noqdaa

7- in la heshiisiiyo shiikha iyo faroole oo loo dhigo xuduud iyo xeer lagu wada noolaado oo laysa saamaxo.