Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Guur Cusub Oo Lagu Magacaabo Guurka Maalinta Oo ay Xalaaleeyeen Culimada Sacuudiga

Wednesday - July 28, 2010

SAUDIA - Dalka Sucuudiga sheekha lagu magacaabo Dr:Axmed Macbi ayaa Baneeyey guur Cusub oo lagu magacaabo (Guurka Maalinta), Sheekha ayaa sheegay inuu guurkaa oo maalintii oo qura ay isu imanayaan labada is qabaa uu sharci yahay,
 
Sheekha DR: Axmed Macbi ayaa sheegay in guurku leeyahay afar shuruudood isagoo intaa ku daray in hadii uu afartaa shuruudood buuxiyo uu yahay guur sharci ah, Kaas oo macnihiisu yahay in gabadhu oran karto ninka maalintii oo qura ayaad ii iman kartaa ama ninku yiraahdo maalintii oo qura ayaan kuu imanayaa,
 
Sheekha ayaa sheegay inay jiraan dumar badan oo habeenkii shaqeeya oo noloshoodu u badan tahay habeenimo sida Neerasta oo kale oo laga doonayo inay habeenkii isbitaalka joogaan. Sheekha ayaa intaa ku daray in hadii ay gabadhu shardi uga dhigto ninkeeda inuu u yimaado maalintii oo qura lagu magacaabayo guurka maalinta Sharci ahaana uu banaan yahay, Sheekha ayaa sheegay in ay jiraan Rag xaasas leh oo doonaya inay si hoose u guursadaan gabar kale ama ay ka qariyaan gabadhii hore hadii ninkaasi uu kula shuruutamo gabadha danbe inuu u imanayo maalintii oo qura iyadana lagu magacaabayo Guurka Maalintii diintuna aanay diidanayn,
 
Dr: Axmed Macbi Ayaa sheegay in hadii gabadhu marka ay guursanayso ay shuruud uga dhigto inuu ninkaasi maalintii oo qura u yimaado ay waajib tahay inuu ninku ilaaliyo shuruudaa. hadii uu kasoo bixi waayana ay gabadhaasi xaq u leedahay inay fasaqdo ama jojiso Nikaaxoodii,
 
Sheekha oo ka hadlayey Telefishinka MBC1 barnaamijka lagu magacaabo Sabaaxal kheyr yaa- carab ayaa arintan baneeyey iyadoo dadka Sucuudiga ah qaarkood ay u arkeen arin aan fiicnayn isla markaana kala furfuraysa Reeraha iyo Guryaha, Halka Qaar kalana ay u arkaan arin wanaagsan oo u fiican Dumarka habeenkii shaqeeya ama Raga doonaya inay mid kale iska Bismilaystaan,
 
Barkhad Cabdillaahi Maxamed -SWEDEN