Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Waa Casharki Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al-Digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Thursday - July 29, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

                                ------------------------------------------------------------------------------

 Maanta Mawduuca Waa su'aal Uu Ka Jawaabayo Shiikha oo la xariirta Qofka Lagu Ibtileeyo hawada badan ee dhuusada                                   ________________________________________________

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo saliga Suubanaha NNK ha ahaato, Mahad oo dhan waxey u ahaatay Allah, waa fadligiisa hadii wax ka yar laba usbuuc nooga hartay bisha barakeysan, inaga oo caafimaad qabna Rabbi ha nagu simo, Allow naga aqbal camalkeena wanaagsan, noo dembi dhaaf gefkeena, nasiib waxa leh qofkii gaara oo la kowsada bishan Ramadan Allah ha inaga aqbalo camalkeena wanaagsan, dembigeena ha dhaafo Jannadana abaal mar ha inooga dhigo.
 
Waa su'aal? Sidee buu u tukanayaa qofka lagu ibtileeyo hawo badan oo ka soo baxda (Dhuusada)?
Dadka waxa jira kuwo Allah ku ibtileeyay xanuun kaga dhaca xiidmaha balaaran, taa oo keenta in qofka hawo badan oo aad u qurmuun ay soo dhaafto, gaar ahaan marka qofku damco inuu salaad u istaago ama tukado kana jebisa weysada, midaa waxa ay ku beertaa qofka wiswaas badan iyo inuu ka shakiyo salaadiisa, marar qaarkood bukaanka waxa ay gaaraan iney ka shakiyaan mar alla markii ay wax qurmuun uriyaan in ay moodaan in isaga uu ka yimi, dadka sidaa ah waxa ay u badan tahay in sheydaanka uu ku abuuro wiswaas fara badan oo naftooda wax u dhima.
 
Waa Jawaab. Dadka sidaa ah oo qaba dhibka aan kor ku tilmaamay marka ay weyseytaan, waxa ay ku taagan yihiin weysadooda, sidaa weeye asliga, waxa ka burin kara weysada waa iyaga oo maqla dhawaaq ama uriya qurmuun ka yimi, sidii uu tilmaamay suubanaha NNK ha ahaato mar la weydiiyay, jawaabtiisa waxa ay aheyd qofka yuusan salaada ka bixin ilaa uu maqlo dhawaaq ama uu uriyo qurmuun ka yimi.
Diinteena islaamka Allaha xaqa lagu caabudo waa inoo sahlay, kamana yeelin waxey dhib kala kulmaan adoomadiisa, qofkii Allah ku ibtileeyo cudur ama ku mashaqeeyo wax ku saabsan naftiisa ajar weyn baa looga qori markuu ku sabro Allah dartii, waxaan Allah ka baryayaa inuu caafimaad siiyo bukaanka muslimiinta, u naxariisto inaga iyo waalidkeen, Allow caafimaad nagu gaarsii bisha barakeysan oo naga aqbal soonkeena iyo salaadeena.
 
Hadaan asiibay waa Allah fadligii, hadaan gefay waa sheydaanka iyo nafteyda oo qura.
 
Al Amin, Abu Yusuf