Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Uu Ka Socdo Dhaq-dhaqaaq Lagu Fashalinaayo Xukumada M/weyne Siilaanyo

Sunday - August 1, 2010

Xigasho Waaheen: Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa waxa maalmihii la soo dhaafay ka socda dhaq-dhaqaaq ay xoog leh oo lagaga soo hor-jeedo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo soo magacaabay dayaqaadii toddobaadkii hore, laguna wado in maalinta bari ah la hor-keeno Golaha Wakiiladda, sida ku cad Ajandaha kal-fadhiga 12aad wuxuu qorshuhu yahay in lagu ansixiyo inta aanay Mudanayaashu fasaxa gelin ka hor bisha barakaysan ee Ramadan oo ay inoaga xigaan maalmo koobani.

Dhaq-dhaqaaqyadan lagaga soo hor-jeedo Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxay salka ku hayaan aragtiyo kala duwan oo ay xildhibaanada Goluhu ka qabaan kuna diidan yihiin xukuumada cusub kuwaasi oo ay midaysay cabashooyinka ka imanaya qaabka Xukuumadda loo magacaabay iyo Xubnaha la magaacaby laftooda oo loo soo jeedinayo saluug iyo dhaliilo kala duwan oo lagu diidan yahay.

Arrimahaasi lagu diidan yahay xukuumadda cusub waxa ka mid ah cabashooyinka ka soo yeedhaya Beelaha qaarkood oo saluugsan saamiga laga siiyay  Golaha Wasiiradda iyo qaar diidan Golaha Wasiiradda oo laga qadiyay, taasi oo keentay mudaharaado ka dhaca magaalooyinka Boorama iyo Hargeysa, iyadoo Xildhibaanada Golahaasi laga soo doorto ay la qabaan cabashda  deegaanadooda, waxa kale oo jira Deegaano huursan oo hoosta ka guuxaya, balse illaa hadda aanay soo shaac bixin cabashadood kuwaasi oo xildhibaanadooduna la guuxayaan.

Mudanayaasha Wakiiladda qaarkood ayaa iyaguna diidan magacaabista Xubnaha Madaxdii Urur  Siyaasadeedkii Qaran ee ay xukuumadii hore diiday, kuwaasi oo ay ku eedaynayaan inuu ku dhacay xukun Maxkamadeed oo ka hor imanaya magcaabistooda iyo in ay xil qabtaan muddo shan sano.

Sidokale, waxa jira xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda oo lagu eedaynayo in ay ka qayb-galeen shirar lagu baadi-goobay midnimada Soomaaliya, kuwaasi oo aan illaa hadda aanay caddayn in ay ka noqdeen mawqifkaasi siyaasadeed ee loo aanaynayo illaa hadda in ay ku lug leeyihiin.

Waxa kale oo jira, Xildhibaano diidmadoodu ku salaysan tahay iyagoo damacsanaa isla markaana filayay in loo magacaabo xilal Wasiirnimo ama doonayay in ay tallo ku yeeshaan Wasiiradda la magacaabayo oo laga diiday labada arrimood kuwaasi oo cadhadoodu ku biirisay xubnaha kale ee diidan xukuumadda cusub.

Aragtiyahan is-biirsaday ayaa waxay Golaha ka dhex abuureen nacayb faro badan oo looga qabo Golaha dhexdiisa, taasi oo sababi karta in Golaha Wakiiladdu is-hortaago qaar badan oo ka mid ah Xukuumadda cusub, mana cadda tirada Wasiiradda ah ee ay diidan yihiin xildhibaanada Goluhu qaarkood, hase yeeshee waxa la filayaa in rag badan oo ku qanacsan Wasiirnimada loo magacaabay ay ku hungoobi doonaan ansixintooda.