Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Ururada Mucaaradka Dawlada Eritereya Oo Uu Shir Uga Furmay Adis Ababa

Monday - August 2, 2010

Adis Ababa: Guud ahaan ururrada ku kacsan xukumadda Eriteriya ayuu shir ballaadhan uga furmay magaallada Addis Ababa, kaasoo ay kaga arinsanayaan sidii isbadal dimoqradiyadeed looga dhalin lahaa dalka Eriteriya.

Shacabka Eriteriya ayaa sanaddadii ugu danbeeyey ka cabanayey dhibaatooyin baahsan oo ay sabab u tahay siyaasadaha xukumadda Eriteriya.

Shirkan ayaa xubnaha ka qeygalaya, oo gaadhaya 850 qof, waxey ka kooban yihiin masuuliyiinta mucaaradka, aqoonyahano, culumo iyo guud ahaan qeybaha kala gadisan ee bulshada, kuwaasoo ka kala yimid dalalka aduunka.

Furitaanka shirkan oo ay ka hadashay Beshir Yishak, oo ku hadleysay magaca ururka EDA oo ka kooban 11 jabhadood oo middoobay, ayey sheegtay inay dadaal badan ku bixinayaan sidii uu shirka u najixi lahaa.

Guddoomiyaha ururka EDA, Tewolde Gebre-sillasie, ayaa dhankiisa sheegay inuu shirkan muujinayo sida ay shacabka reer Eriteriya uga go’antahay riditaanka maamulka ka arrimiya Casmara.

Tewolde wuxuu carabka ku adkeeyey rajada laga qabo inuu shirkan furo bog cusub oo ku aadan halganka uu shacabka Eriteriya ugu jiro sidii uu isaga dulqaadi lahaa maamulka haatan.

Mukhtar Khadir, oo ah masuulka xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee EPRDF uga wakiilka ah shirkan, ayaa dhankiisa sheegay in xal u helista arrinta Eriteriya ay tahay masuuliyad saaran dadka Eriteriya.

Mukhtar wuxuu ka soo qeybgalayaasha shirkan u sheegay in shacabka iyo dowladda Itoobiya ay ku garab-taagan yihiin shacabka Eriteriya dadaalkiisa uu ku xaqiijinayo inuu demoqradiyad kaga abuuro dalkiisa, Shirkan ayaa la filayaa inuu soo gabagaboobo maanta galinka danbe.