Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Israaiil Oo ka Qaylisay Taliyaha Cusub Ee Sirdoonka Turkiga

Monday - August 2, 2010

Wasiirka Difaaca Isreal Ehud Barak ayaa ka qayliyey Ninka loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Cusub ee Sirdoonka Turkiga oo uu ku tilmaamay inuu yahay nin aad u taageera xukuumada Iran.

Iyadoo ay soo xiganayso wakaalada wararka ee AFP ayey daabacday in Xakan Fidan oo 42 Jir ah loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha ugu sareeya ee Haayada Sirdoonka Turkiga ee loo yaqaan National Intelligence Organization oo Turki ahaan loo soo gaabiyo MIT, isagoo intaan la magacaabin ahaan jiray Madaxa Turkiga u Qaabilsan Arrimaha Dibada Gaar ahaan Hayada Atoomikada aduunka ee IAEA

" Turkigu waa waddan aanu saaxiib nahay, waa Xulafadayada Istaraatijiyada laakiin magacaabida dhawaan loo magacaabay ninkaasi inuu noqdo Madaxa Sirdoonka Turkiga oo isagu taageersan Iran walwal bay nagu abuurtay" ayuu yidii Wasiirka Difaaca Isreal

Barak Wasiirka Difaaca Isreal wuxu sheegay in magacaabista Ninkan ay ka dhigan tahay in Iran helayso dhamaan macluumaadka Sirta ah ee Turkigu hayo