Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Tuug Hoteel Uu Dhacay La Soo Hadlay Oo Ka Cawday Inaanay Lacg Badan Oolin Marku Xadahayey

Tuesday - August 3, 2010

Nin Tuug ah oo Hubaysan ayaa dhacay Hoteel ku yaal Magaalada Atlanta Mar ay ahayd maalin Sabti ah, isagoo qori ku qabtay ilaaliyaha Hoteelka kadibna dhacay wixi lacag taalay.

Ninkan tuuga ah ayaa markuu la baxsaday lacagtii taalay maqalka Hoteelka kadib caro darteed labo jeer la soo hadlay agaasinka Hotelka una sheegay inuu aad uga xun yahay inaanay lacag badan oo uu dhacaa hoteelka oolin isagoo u sheegay in Marka labaad uu dhacayo hoteelka uu u baahan yahay inu halkaas ka helo lacag badan oo gaareysa 586 Dollar .

Marlabaad buu soo garaacay isagoo ku celiyey cabashadisii hore una sheegay Hoteelka inuu lacag badan kaydsado si uu uga dhaco.

Ciidamada Booliska ayaa dabo gal ku haya tuugan iyadoo hadda la baarayo Kamarada CCTV ee ku xirnayd Hoteelka.