Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Shakiga Ethiopia Ay Ka Qabto Dawlada Madaxweyne Siilaanyo Xage Buu ka Dhashay, By harbi Gurmad

Wednesday - August 4, 2010

Wararka Somaaliland ka soo shaac baxaya ayaa sheegaya inay Ethiopia saluugsantahay xubno ka mid ah dawlad cusb ee Madaxweynaha la doortey soo dhisay. Waxaana loo aanaynayaa dawladii hore oo arrintan si qayral masuul ah sabab ugu noqotey, iyadoo dano siyaasadeed oo doorashooyinkii la xiriira ka lahyad.

Si kastaba ha u dhacdee, waxaa xaqiiq ah in xubnaha dawladan ku jiraa aaney aheyn xag jir, se ay yihiin aqoonyahano ay ku waynatahy qadiyad Somaliland iyo gooni isu taageedo si ay uga mid noqoto Qaramad Middoobay iyo aduuwaynahaba, horumarkana ugala qayb qaadan lahayd. Sidaa awgeed wax lagama maarmaan ah in loo kuur galo sida arrintani ku dhalatay iyo asbaabaha ka dambeeya.

Taasi waxay markaaba daaha inooga rogi doontaa sida xal macquul ah oo cilmiyeysan loogu heli lahaa arrintan iyadoo la ogsoon yahay in siyaasada caalamku ku dhisantahay cilmiga afka-qalaad looga yaqaan Public Relations-ka (PR). Siyaasadaha cilmigan ku salaysani waxay wadamada curdinka ah ka caawiyaan kasbashada saaxibo danahooda kaa caawiya cadawgana ka difaaca si aanay aad u noqon fariisad sahlan.

Asbaabaha Shakiga Ethiopia Dhaliyay:

Kow - iyadoo wadan curdin ah aynu nahay mucaaradkiisuna xiligii doorashada uu ahaa kuwa ku hawl galayey dhaqaale yar oo aan buurnayn. Taasi waxay dhalisay in dhinaca PR-ka ee waliba ku saabsan wadanka Ethiopia aan ahmiyad wayn la saarin iyadoo waliba la dareemi karayey inay Ethiopia u xaglinasay dhinaca UDUB intii doorashada ka horeysay.

Laba- madaxda arrintani ku saabsantay oo iyagu dad Allah ka cabsi leh ah diintana ku xidhan taasina keeni karto in si fudud ay ajaanibku ku rumeystaan brobagaandhadii dawladii Riyale.

Sadex- Madaxweyne A.M.M Siiranyo wuxu ahaa hogaamiye xibiyeedkii qura ee ka Hadley dagaalkii adkaa ee Xamar ku kala dhex maray Ethiopia iyo qolooyinkii ka soo hor jeeday. Arrintaasi waxa laga yaaba marka waxyaaba kaloo been abuur lagu daro inay iyana saameynteeda yeelan karto intay doonto ha yaraatee.

Afar- waxa jiray dhawaanahan warbixno ka soo baxay Hay’ado aan aad loo aqoon oo ku tilmaamaya in mucaaradka (dawlada cusub) Somaliland ku jiraan niman xag jir ahi. Tii ugu dambeysay wuxu cin-waankeedo ahaa “ififaalihii Saxda ahaa oo Somaliland Ka soo shaac baxay: Qolada argagaxisada ah ee Al-Alshabaab” [1]. Taa tii ka horaysay waxa ku saxeexan ninka loo yaqaan Mr. Gregory R. Copley, iyana sidoo kale waxaa looga dan lahaa in Somaliland la mar mariyo dhooqada argagaxisada si magaca ay ka samaysatay reer galbeedka iyo jaarkeedaba loo wiiqo sababo qarsoon awgood [2].

Mr. Gregory waa (Editor-in-Chief) amaba tafaatiraha-guud ee joornaalka The Defense & Foreign Affairs ee bishii mar soo baxa[4], kana mid ah dabacadaha The International Strategic Studies Association (ISSA) [4]. Sido Klena waa qoraa wayn oo qoray tiro buugaag ah iyo maqaalooyin faradan oo u badan dhinaca istratiijiyaadka siyaasadaha ee kala duwan ee looga talo galay xukuumadaha.

Waana la-taliye siyaasadeed oo dawlado waaweyn la soo shaqeeyey magacna ku leh saaxda siyaasada. Waxa kale oo uu ka mid yahay raga loo yaqaanay “neo-conservitive”  xirfadna u leh suuq gaynta ajendayaash fikirka u xagliya midigta ee siyaasada reer galbeedka.

Waxa Mr. Gregory maqaalkiisan dabagal ku sameeyey, ugana jawaabay si yar kulul Dr. Ismail Adan [3]. Waxa xusid mudan in mareegta Harow.com, Qaraanews.com iyo Somalilandpress.com  ay noqdeen kuwa sii daabaca qoraaldan, inkastoo ay Somalilandpress.com maqaalkii ugu dambeeyay aanay soo daabicin wali, se kii hore sheegtay inay dadku xaq u leeyihiin inay ogaadaan khatarta ku soo maqan. Fikirkaasi waa ku macquul ah oo runtii waxa la gaaray xiligii loo tafa-xeydan lahaa wax ka qabashada arrintan. Waxay laga yaabaa in Mr. Gregory xog khaldan oo ku saabsan siyaasiyiinteena la garsiiye amaba arrinta laaluush loo isticmalay lana damacsanyahay in la inagu wiiqo.

Waxa kaloo xusid mudan inuu Mr. Gregory yahay nin taariikhda Ethiopia aad udaba galey kana qoray buug qoto dheer  oo muujinaya xidhiidhka fiican ee uu la lahaa ilaa boqorkii ugu dambeeyay ee Ethiopia. Boqor Xaila Salaasee xitaa qoraal hor dhaca ayuu ugu deeqay buugan taasoo ku tusatusa inuu ninkani culayskiisa leeyahay..

Qoraaldiisa qaar waxa si toos ah ugu cad inuu taageersan yahay in aqoonsi lasiiyo Somaliland iyada oo u ku amaanay inay waxbadan u babac dhigtay dhibaatooyinka xag-jirku ku hayo mandaqada Geeska Afrika [5]. Waxa kale uu sheegay inay Somaliland buuxisay shuruudihii dawladnimo ee loo baahnaa se ay Masar ka hor taagantay aqoonsiga.Hasa ahaatee, fikradiisu waxay isbadashay intii mucaaradku ku soo dhawaanayay qabsashada xukunka iyo imika oo ay qadsadeen. Waxa iyadu layaab leh inay fikradiisani isku badashay mudo 6 bilood ah oo uu durtaba bilaabo inuu ka dayriyo xaalada dalku ku suganyahay.

Xalinta Arrintan:

Si kastaba ha ahaatee, waxa la gaadhay wakhtigii la xalin lahaa isfahan waagan. Si taa loo sameeyana waa in dawladu dhistaa oo kobcisaa PR mashiinkeeda. Siyaasiyiinta arrintan la mala’waaleyo lala xiriiriyayna waa in ay iayagana ku dartaa talada sidii ay laftigoodu uga shaafin lahaayeen dadka tuhunka la soo dhoodhoobay shaki galiyey. Siyaasiinta sida khaladka ah magcooda meel loogaga dhacaa waa:

Abdul-Aziz Samaale: Guddomiye Ku-xigeenka 1-aad ee golaha wakiilada
Dr Mohamed Abdi Gaboose: Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland
Eng. Mohamed Hashi Elmi: Wasiirka Maaliyada Somaliland


Maahmaah baa jirta tidhaa, gacantaadu haday gasho meel cidhiidhi ah ama sollo lama dhuftee waa la dhiraandhiriyaa, Sidaa awgeed hadii PR xumidu ama la’aanteeduba hawlahan inagu soo kordhisay si cilmiyeeysan oo ku dhisan siyaasad casri ah oo qabow waa in loola tacaalaa. Waxaaban anigu soo jeedin lahaa inay sadex mas’uul ee sharfta mudan la kulmaan dawlada Ethiopia iyo Mr. Gregory R. Copley wakhti aan fogeyn.

Mr. Harbi Gurmad ... UK, South West, Bristol