Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Waa Barnaamijkii Digtoor Shiikh Shuceyb .. Oo U Soo Diyaariyey Mustafa Iyo Xadiiska CSW Ee Qiyaamaha

Thursday - October 14, 2010

Waa Barnaamijki Casharkii Maalin Walba Jimcaha Ee U Ku Caan Baxay Furdaamintiisa Mu'dinki Xaq Sheega Al- Digtoor Caalim Shiikh Shuceyb .. Hadaba Maanta Waxaa Casharka Soo Diyaariyey Mustafa Maxamed Cali 

Ujeedada Casharka : Ma Idin Sheega Astaamaha Maalinta Qiyaamaha Lagu Garto 

                                 ----------------------------------------------------------------------- 

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

                                ------------------------------------------------------------------------------                                  

Ujeedo: Ma Idiin Sheegaa Astaamaha Maalinta Qiyaamaha Lagu Garto?
C/llaahi Ibn Cabaas (RC) waxaa uu yidhi in Nabi Muxammad markii uu dhameystey xajkiisii ugu dambeeyey oo ku beegneyd sanaddii10aad ee Hijriyada uu hor istaagey iridda laga galo kacbada barakeysan, isago gacanta ku haya qufulka iridaasi, isla markaana ku leh asxaabta ( MA IDIN SHEEGAA ASTAAMAHA MAALINTA QIYAAMAHA LAGU GARTO? Salmaan Faarisi oo ka mid ah ahaa asxaabta isla markaana taagnaa meel u dhow nabiga CSW, ayaa yidhi ‘ Haa Yaa Rasuulu Allah CSW noo sheeg’Rasuulka ayaa markaa yidhi ‘ Xaqiiqo ahaan, astaamaha lagu garto inay soo dhowaatey saacadda waxaa ka mid ah

(1) in dadku ay salaadda dhayalsadaan

(2)Dadku waxay u hogaansami doonaan hawadooda ama shahwaadkooda.

(3) Waxay ku dadaali doonaan inay naftooda uun u roonaadaan, waxayna aad u xushmayn doonaan dadka maalqabeenka ah.

(4) waxay iibsan doonaan diintooda iyagoo ku bedelanaya aduunyo

(5) Waqtigaasi la joogo ruuxa iyo qalbiga muminka ah waxay noqon doonaan kuwo murugo darteed u milma, sida milixda ama cusbada ay ugu milanto biyaha, waayo Mu’minku waxaa uu arki doonaa waxyaabo la xaaraantinimeeyey oo lagu dhaqmayo, mana awoodo inuu wax ka bedelo.Salmaan ayaa markaa yidhi waxaasi ma dhici doonaan , Yaa Rasuulu Allah CSW? Rasuulka CSW ayaa yidhi, haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto, isagoo raaciyey.

(6) Waqtigaasi kuwa xukunka haya waa kuwo dhaalimiin ah

(7) Wasiiraduna waxay noqon doonaa kuwo caasiyaal ah

(8) Kuwa xilalka loo dhiibana ee amaanada lagu amaaniye waxay noqon doonaan kuwo wax khiyaameeya

(9) Xaqiiqdii watigaasi xumaanta waxaa loo arki doonaa wanaag, wanaagana waxaa loo arki doonaa xumaan

(10) Kuwa wax khiyaana waxaa loo arki doonaa kuwo aamin ah, kuwa aaminka ahna waxaa loo arki doonaa ianya waxa khiyaameeyaan. Kan beenta sheegana waa la aamini doonaa, halka kan runta sheegayaa loo arki doono inuu beenaale yahay.

(11)Waqtigaas waxaa kale oo jiri doonaa maamulo ay haween ka taliyaan.

(12)Khiyaanada ama in wax la is daba mariyo waxaa loo arki doonaa ilbaxnimo

(13) Zakada bixinteeda waxaa loo arki doonaa sida iyado qofka lagu soo rogey inuu bixiyo ganaax, hantida ummaduna waxay noqon doontaa sida hanti u ruux si gaar ah u leeyahay.

(14)Ruuxa waxaa uu kibir kula dhaqmayaa waalidkiisa,, waxaana uu si wanaagsan ula dhaqmayaa saaxibadiisa.

(15) Xiligaasi waxaa la arki doonaa xidigo gadaal ka jiidan (comets)Salmaan ayaa markaa yidhi waxaasi ma dhici doonaan , Yaa Rasuulu Allah CSW? Rasuulka CSW ayaa yidhi, haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisaku jirto, isagoo raaciyey’ Salmaanow.

(16)Waqtigaasi haweenka waxay ganacsiga kula shirkoobi doonaan raggooda

(17) Roobka di’ doona waxaa uu noqon doona mid kuleyl wata.

(18) Dadka wanaagsani waxay noqon doonaan kuwo murugeysan, maaskiintuna waxay noqon kuwo aan la xishmeyn, waxaana jiri doona oo kale suuqyo isku dhow, waxaana ganacsatdaa sida aadka isugu dhow uu mid kasta odhan doonaa, anigu waxba maan iibin, kan kalena wuxuu odhan anigu wax faaido ah maan helin. Sidaa darteed ma wayn doontid qof Ilaah u cabanaya Subxaanahu watacaalaa. Salmaanow.

(19) Waxaa dhici doonta in dadku hadii ay ka hadlaan arrimaha dadka talada haya, waxay la kulmi doonaan dil, hadii ay aamusaanna, waxaa khasab lagaga qaadi hantidooda, wax xishamd ah lama siin doono, dhiigooda ayaa la daadin, dadkana quluubtooda waxaa ka buuxsami cabsi, mana arki doontid ruux, ilaa ruuxaasi uu noqdaa mooyee, mid aad u baqaya, isla markaana la argagax geliyey.

(20) Shaki la’aan Salmaanow, waxaa jiri doona waxyaabo laga keeni doono Bariga iyo kuwo laga keeni doono galbeedka, waxaana halkaa ku ba’ay kuwa iimaankooda uu daciifka yahaya ee ummadeyda ka tirsan. Dadku waxay noqon doonaa kuwo aan isku naxariisan oo aan is cafin. Jidhkooda waa jidh baniaadam, laakiin quluubtooda waxaya noqon quluub sheydaan.Salmaanow.

(21)Waqtigaasi ragga waxay hawaysan doonaan rag kale, haweenkuna waxaya sidoo kale haweysan doonaan haween kale.

(22) Wiilsha yaryarka ahna waxaa loo isticmaali doonaa sida haweenka oo kale.

(23) Raggu waxay isku ekeysiin doonaan haween, haweenkuna waxay isku ekeysiin rag.

(24) Waxayn taasi horseedi doontaa inuu Ilaah naclado haweenka ummadeyda ka tirsan.

(25) Masaajidada waxaa lagu xardhi doonaa Dahab iwm. si la mid ah sida loo xardho kaniisadaha iyo goobaha ay ku cibaadeystaan Yuhuudda.

(26) Qur’aanka waxaa lagu xardhi doonaa nakhshado iyo midabo ku soo jiidanaya iwm.

(27)Minaaradaha masaajidd awaxay noqon kuwo aad u dheer, safafka dadka salaada ku jira waxaya noqon kuwo badan, laakiin dadkaasi quluubtooda iskuma fiicna, hadaladooduna waa kuwo is khilaafsan.

(28) Waqtigaasi raggu waxay isticmaali doonaan dahabka oo ay xarago ahaan u xidhan doonaan, waxaya kaloo xidhan doonaan xariirta, isla markaana waxaa kele oo ay isticmaali doonaan haragga shabeelka.

(29) Waqtigaasi waxaa jiri doonta ribo, dadkuna waxay sameyn doonaan ganacsi , iyagoo isku eedeynaya laaluusha.

(30) Dadku diinta ayay dhulka dhigi doonaan, dunidana kor baa loo qaadi doonaa.

(31) Waqtigaasi waxaa badan doona furiinka ragga iyo haweenka.

(32) Xuduudaha Rabbina waxay noqon doonaan kuwo aan la dhowrin.

(33) Laakiin taasii mid Allah SubxaanahuWatacaalaa wax u dhimeysa ma aha.

(34)Waxaa soo bixi doona haween heesa iyo aalado music ah.

(35)Kuwa ugu xunna waxay u talin doonaa ummadeyda.

(36) Waqtigaasi dadka maalqabeenka ah ee ka tirsan ummadeyda waxay xijka u tegi doonaan sida iyagoo booqsaho ama socdaal cadi ah ku jira, iyagoo ay weheliyaan ganacsato meel dhexaad ah, masaakiintuna waxaty u tegi doonaan is tustus.

(37) Waxaa soo bixi doona dad baran doona quraanka kariimka , ba;de ujeedkooda ma ahan Allah dartii, waxayna quraanka ka dhigan doonaan sida aalada music ah.

(38) Waxaa kale oo jiri doona dad diinta baran doona , oo iyaguna aan Allah dartii sidaa u sameyneyn.

(39)Waxaa badan doona tirada carruurta aan sida sharciga ah ku dhalan, dadkuna waxay isku qaadi doonaan weeraro, adduunyo ceydhsasho awgeed. ‘Salmaanow!

(40) Waxaani oo idil waxay dhaci doonaan, mar xishmadii ay suushey, dunuub badanna la geli doono, dadka xun xun ay u talinayaan amaba ay korka ka heystaan kuwa wanaagsan.

(41) Beenta ayaa faafi doonta, waxaana dhici doona cay iyo doodo hadalo la isku dhaafsado, miskiinnimada yaa iyana baahi doonta.

(42)Dadku waxay isugu faani doonaan lebbiskooda.

(43) Waxaa di’i doona roobab aan watigooda la gaadhin.

(44)Dadk waxay waqtigaasi cayaari doonaan khamaar iyo musik.

(45) MA jecleysan doonaan dadku inay wanaagga is faraan, xumaantan iska reebaan.

(46) Qofka Mu’mika ah xishamadiisa waxay noqon mid aad u hooseysa marka la barbardhigo xitaa dadka ka shaqeeya guryaha