Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Wa Barnaamijki Digtoor Sh.Shuceyb O Maanta U Soo Diyaariyey Cabduqadir Badrudiin Iyo"Qiso Cajiib Ah"

Thursday - October 14, 2010

Waa Barnaamijki Casharkii Maalin Walba Jimcaha Ee U Ku Caan Baxay Furdaamintiisa Mu'dinki Xaq Sheega Al- Digtoor Caalim Shiikh Shuceyb .. Hadaba Maanta Waxaa Casharka Soo Diyaariyey Cabduqaadir Shiikh Badru-diin Waana Qalinkii Ismaacil Cali Kosovo .. Cinwaanka Casharka Waa .. "Waa Qiiso Cajiib Ah Oo Lagu Cibrad Qaadankaro"

                                 ----------------------------------------------------------------------- 

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

                                ------------------------------------------------------------------------------                                  
 
Qisadani waa qiso dhab ah oo dhacday isla-markaana ku cibra qaadasho mudan maaddaama aan nahay dad Islaam ah oo aaminsan in wax walba ay ku ahaadaan awoodda Alle Subxaanuhu wa tacaalaa.

Hadda ka hor ayaa waxaa jiray nin safar ah, ninkani wuxuu soo raacay Doonni yar oo dad badani ay saarnaayeen, waxaana dhacday muddo kadib in Doonnidii ay ku qallibantay Badda dhedeeda dadkii oo dhanna ay Badda ku daateen iyagoo aan helin wax gar-gaar ah wayna ku dhinteen dhamaan dadkii Doonnida saarnaa marka laga reebo ninkii ay qisadani ku bilaabatay oo isagu kaligii ka bad-baaday dhamaan dadkii Doonnida saarnaa, wuxuuna ninkani ku bad-baaday kadib markii uu helay Alwaax dul sabbeynaya biyaha Badda, wuxuuna dul-fuulay Alwaaxii oo uu ku tagay Barriga.
Markii uu tagay Barriga ayuu arkay geedo kala duwan oo halkaa ku yaallay, wuxuuna bilaabay in uu geedihii ka goosto laamo iyo caleemo si uu guri uga sameysto, kadib wuxuu sameystay guri yar oo isaga un ku filan.

Markii uu dhameeyay dhismihii guriga ayuu ku dhaqaaqay dhulka ku dhaw xeebta si usoo helo wax uu cuno, Alle ayaana u fududeeyay oo wuu soo helay, kadibna wuxuu kusoo laabtay gurigii uu diyaarsaday, wuxuuna arkay gurigii uu maanta dhan dhisayay oo gubtay, markaasuu baroortay isagoo  yiri: Ilaaheyow maxaan galabsaday? mar Doontii aan saarnaa ayaad nala qallibtray marna gurigii yaraa ee aan rafaadka ku dhisay ayaad iga gubtay Ilaaheyow maxaan kaa halleeyay?

Ninkani kama uusan fikirin halka uu ka dhashay dabkan baabi'iyay gurigiisii yaraa balse markii uu muddo cabbaara meeshii joogay ayaa waxaa u yimid dad Doonni wata, waxeyna ku dheheen soo raac Doonnida, markaasuu si farxadi ku dheehantahay Doonnidii kusoo raacay, Raggii Doonnida watay ayaa ninkii wareystay iyagoo ku dhahay: War ninyahow waxaad tahay nin aad u caqli badan haddiiba aad sameysatay astaan lagu garan karo in aad gar-gaar u baahanatahay, markaasuu ninkii yaabay isagoo weydiiyay sida ay ku garteen in uu gar-gaar u baahanyahay, markaas ayey ugu jawaabeen sow adigu maadan shidin dabka meesha aad joogtay ka qiiqayay?

Ninkii isagoo yaabban ayuu dhahay aniga garaadkaygu intaa ma dhama dabna maba aanan haysan ee waa awoodda Ilaahey, Ilaahow icafi markii aan arkay gurigaygii oo gubtay waan baroortay oo Alle ayaan ku caasiyay, Alle-na Raxmaddiisa ayuu iisoo de-dejiyay Ilaahow i cafi ayuu ku cel-celiyay.

Ninkani wuxuu la kulmay imtixaan kadibna waxaa hareysay raxmadda Alle ee qiimaha badan.

Ilaahey Cazza wa Jalla wuxuu dhahay: Qofkii aan la doono Kheyr waxaan taabsiiyaa dhib kadibna kheyr ayaan ugu baddelaa.

Sidoo kale wuxuu dhahay Alle SWT: Qofka mar kasta arrintu ku cuslaato waxaan usoo de-dejinnaa fudayd, marka walaalayaal adduunyadu waa imtixaan ee aan ku dedaalno in aan ku samirno, Alle-na aan ku shukrinno nimcadiisa muuqata iyo midda aan muuqan intaba.

Allaha inaga dhigo kuwii ku cibra qaata kana faa'iidaysta qisadan cajiibka ah.
Qisadan waxaa soo diyaariyay Cabdi Kadir Sheikh Badru Diin.
Waa Qalinkii: Ismaaciil Cali "Kosovo" Johannesburg South Africa