Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Inaa Lilaahi Waa Inaa ilayhi Raajicuun .. Waxaa Ajashi U Timi Al- Qaadi Shiikh Ismaaciil Aw Maxamed

Thursday - October 14, 2010

Inaa Lilaahi Waa Inaa ilayhi Raajicuun .. Xay cala salaa .. Xaye calal falaax .. Naf waliba maalinti  ajasheedu dhamaato ayaa xaga allaah looga yeera .. waxaa sii lama filaana ah ugu xijaabtay xarunti awowayaasha waa magaalada Gaalkacye duugna lagu hubsaday maalinti shalay allaha ha u naxariiste 80 Jir Caalim Shiikh Ismaaciil Aw Maxamed Maxamuud oo si aad u garataan la dhashay allaha asagana ha u naxariiste Axmed Garaani.

Bahda shabakadaan Galdogo Times, waxay ugu horeyn hawada uu marineysa Qoyskii, Eheladi iyo Sokeeyihi ee aanu ka mid nahay, waxaan duco marineynaa diin intaan karno .. allaha weyn daaiimka  uga baryeynaa inu naxariistiisa jano fardooso ka waraabsho meel san uga dooro, oo naxariista duugmada marka laga dareerayo malagyada la soo diray ka dhigo midkaad dowga garansiiso, dibnihiisa tawxiid midkii kara ee aan dariiqa ka lumin dawyada siraadka Aamin Aamiin

Shiikh Ismaaciil Aw Maxamed oo ahaa caalim salaad dayicin, dulqaad iyo wanaag daacadnimo xaq lala duubnaado lahaa inti mudo ku dhawaad labaatan sano hadeysan ka badneyn waxuu ku noolaa dalka Kanada magaalada Ottawa, halkaas in kasta uu gabow nugleeyey haddana inta badan waqtiga noloshiisa waxuu bixin jiray barashada iyo baafinta cilmiga diinta oo ay ka aflaxeen arday aan yareyn, waxaana maskaxdiisa ku qufuleyd in aduunku yahay goob shaqo oo qof kasta waxii u  shaqeysto ayuu aakhiro marku u dhinto hor ilaahay ugu taga .. hasa ahaate biishi agoosto sanadkaan codsigiisa dardaaran awgeed ayaa wiilkiisa kheyr qabe aan xiix oran Axmed ismaciil u daadihiyey magaalada Galkacyo lana joogay illa uu shalay dhabtiisa ku geeriyooday... Waxaa xusid mudan sida aan ka warhayno shiikh ismaaciil waxaa uu mudooyin hore laga bilaabo 1945 illa 1980 ka soo hawlgalay maxkamadihii shareecada islaamka ee soomaaliya oo ka gaaray darajada "Qaadi Al-Qudaah" waxaana uu qayb ka ahaan jiray gudiyadii loo xil saari jiray dibu eegista iyo falkinta xeerarka shareecada maxkamadaha looga dhaqmi jiray Somaaliya.