Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dhigmo Sadaro La Xariira Raiisal Wasaaraha Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

Friday - October 15, 2010

Sida isaguba sheegay raiisal wasaaraha cusub waxuu ku dhashay magaalada caasimada Mogdisho 1962-dii, waqtiyadaas oo ku dhaweyd markii Aabihiis Cabdulaahi M.farmaajo uu ka mid ahaa ragii cafiiska xuriyada awgeed xabsiga looga soo daayey 1960 .. Cabdulaahi waxuu ka mid ahaa dhalinyaradi horseedka hanoolaatadi SYL ee guumeysiga talyaaniga ku soo eedeeyeen inu ka qayb qaatay dilalkii loo geystay dhawrkii saraakiil talyaaniga oo lagu dilay magaalada Kisimaayo   .. Cabdulaahi farmaajo intusan dhiman sideetanaadkii allaha ha u naxariiste waxuu ahaa ku xigeenka gudoomiyaha Shirkadi Somaali Airlines, waxuuna ku caan baxsanaa asluub wanaag, xishood iyo ka fogaasho xatooyo xoolo qalin lagu xado, waxuuna ahaa keli socod is dhawra aan dadka waxba ku darsan .. in badan ayuu xaga sharci dhawrka ku dhaqankiisa iyo dhawrista hantida umada ka shabahay Corneyl Maxamuud Xirsi Geesood oo markii shacab iyo xukuumad loo xusulduubtay dhac iyo boob iyo ufo wixi dhacayey duudkana laga jabay iyagu weli waxay ahaayeen Danjirayaal. 

Raiisal Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo dugsigi dhexe waxuu ku dhameystay iskuulkii 1-di luulyo ee Forta Shiikh, kadibna waxuu ka baxay dugsiga sare frsamada gacanta ee Lafoole, dabadeed markuu dhameystay waxuu 1982 shaqo ka bilaabay wasaaradi arimaha dibada waaxdeeda Arkiviyo "central archive" kadibna mudo gaaban ayu u wareegay qaybta xisaabaadka wasaarada, isagoo isla waqti aan ka fogeyn xiligaas haddana loo badalay safarada somaalida ee washinton laanta xisaabaadka safaarada " waa sida uu ku qortay Resume-giisa u dhibay Shariifka"

Sanadku Marku ahaa 1988 ayaa lagu amray inu gudaha dalka soo galo oo iska soo xaadiriyo wasaarada " waa Resumegiise" .. ma daama sida la qiyaasayo oo dadka qaarkiis mala-awaaleen waxaa lagu aaneeyey walaalkiis Gaashaanle Dr. Saalax A. Farmaajo oo kacaan-diidnimo darteed mar xabsiga dhexe la dhigay iyado lagu sii eedeeyey inu General Cumar Xaaji afgambi la abaabulayey ay ka dambeyeen CIA-da Mareykanka, waxuuna mar u noqday Cumar xaaji xoghayn gaara, dabadeedna ciidankii sirdoonka milatariga  "Hangash" mar loo magacaabay ( aniguse aqoonta aan u leeyahay reerka ma qabo in loo aaneeyey walaalkiis Saalax) .. Cala ay xaal Maxamed Farmaajo ma qaadan amarkii wasaarada balse waxuu go'aansaday inu magangalyo siyaasadeed weydiisto dawlada mareykanka " tixraac rusumeygiisa" isla markiina waa la aqbalay codsigiisi ma daama u buuxiyey shuruudihi is dhiibka oo ay ka mid ahayd walaalkiis Saalax farmaajo la xiray halkaaso oo uu waxbarshadiisa illa heer jaamacadeed ka watay, dabadeedna markii uu jaamacda dhameystay isla magaalada Buffalo ee jaamacada u ka dhiganaayey ayuu halkaas ka helay dhawr shaqo marar kala duwan, sida dawlada hoose ee magaalada Buffalo iyo markale oo uu ka shaqeeyey qaybta guryaha isla dawlada hoose .. ugu dambeyn waxuu hadba meel ka shaqeeyaba markii dambe waxuu ka shaqeeyey qaybta xaquuqu insaanka ee wasaarada Gaadiidka oo qaabilsan xaq dhawrka xadgudbyada shaqaalaha .. Maxamed Cabdulaahi ma daama uusan heerka macallin jaamacadeed weli gaarin shahaadada u haysto awgeed waxuuse jaamacada ka helay contract instructor uu casharo ka bixiyo jaamacada la yiraahdo State University of New york.

Raiisal Wasaare Maxamed Cabdulaahi farmaajo .. runti kanaan doortay, kana diiday, doorkaan  reerkaa leh ayuu ku yimi .. nin-kastana dad buu waday oo uu lahaa waa Dahab iyo Xariir iyo waa Dugaag dhaqe oo dan gaara lagu watay .. laakiin Maxamed Cabdulaahi sida aan ka war hayno Cid wadatay ma jirin, balse isagaa si shakhsi ahaana orodkiisa iyo durduradiisa isku baray Shaiikh Shariif waqtigi dhaweyd u safarka ku yimi magaalada New york,

Maxamed Cabdulaahi ma ahayn nooca xuuxda ku haya iyo maa la ii dhiibo xukun, balse isagoo wax rajo ka qabin tartan maamul madaxnimo ayuu isagoo nasiibkiisa eegaya uu dhiibay shariifka taariikh nololeedkiisi oo ku saleysan Resumeyga qaarkood kor ku xusan, shariifkuna ma siin wax jawaaba, hasa ahaate dib ayuu Mogadisho taleefoon uga soo wacay oo u sheegay in dooribeynkiisi qabsaday yiri ma rabtaa shaqada oo sidaas ayaa Maxamed ku tagay Mogdisho oo xilkii kula wareegay.

Maxamed Cabdulaahi sida runta ah shakii ayaa iga jira haddi tolkiisa amase jifadiisa loo wediin lahaa jagadaas iney u quuri-lahaayeen ma daama usan uu ahayn tolkiisa fariid fool adag leh oo ku xiran amase xiriir la leh .. Maxamed kama foga xaga dabiicada sida aabihiis Cabdullaahi Farmaajo  oo waa keli socod aan qaab loobin-xodxodo-sameyn ku wanaagsaneyn iyo xarfadaha baas ee looga baahanyahay gorgortanka siyaasadeed, ma yaqaano been la qurxiyo oo loo yeelo sawir ka macaan runta iyo raad muuqda oo la dado  .. warkii oo kooban Maxamed farmaajo ma filaayo duruufahaan waqtigaan dhacaya ee dulu-dulceynaya iyo axdi-laawayaasha isha dabaya laabta ka wasakheysan ee Viilada madaxtooyada ku meegaaran ay dhici-doonto waa Maxamed farmaaje inu xisaabtiisa dib uu rogrogi-doono, waayo meesha laga ma rabo aqoon iyo af macaan ee gacan macaan ayaa laga raba iyo qalooc aan la saxin, sidaa awgeed ma daama usan lahayn waayo aragnimo madadaalo khuraafaad, iska dhoola qosol cadeyn iyo sheekada badaha soomaalida hugmaaya, waxaas waa uu ku sasi-doonaa oo waxuu dhihi-doonaa waxaan macquul ma aha dabadeed waxaa dhici-karta inu harka cad isaga cararo oo waliba isago Nairobi jooga yiraahdo nabadey idin ku soo noqonmaayo " waa ka suurtooda" .. haddise dhegta wax loogu sheego oo la siiyo maan-dooriye damqashada ka bi-iya la yiraahdo nin kelyo jilicsan bey kaadi dishaa ee yaan Ax lagaa maqlin ee maalmaha haray nacsyahow malabka dhuuq iyo dhigo maal aduun, dee isagoo kor iyo hoos eegin waa dhici-kartaa inu is nabo oo maxaan sameeya ayuu baaqi ku ahaan .