Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Maxkamada Sare Ee Dalka Imaaraadka Carabta Oo Ogolaatay In Ninka Xaaskiisa Bukabukeeyn-karo

Monday - October 18, 2010

Abudhabi - Maxkamada sare ee dalka Imaratka carabta ayaa soo saartay go,aan ay ku ogolaanayso in Ninku dilli karo ama garaaci karo Xaaskiisa iyadoo aanuu ku sameynayn wax nabaro ah oo muuqda laakiin la ogol yahay inuu jug hoose gaarsiiyo isagoo Edbinaya,
 
Jaraa,idka dalkaas ayaa sheegay in Maxkamadu go,aankaa gaartay kadib markii Nin u dhashay dalka Imaratka uu nabaro xun xun u geystay xaaskiisii iyo gabar uu dhalay oo qaan-gaar ah,
 
Maxkamada ayaa sheegtay in ninku uu danbiile yahay hadii uu u geysto Reerkiisa nabaro muuqda laakiin ninku uu garaaci karo xaaskiisa iyo Caruurtiisa aan qaan-gaarin hadii uu doonayo inuu Edbiyo,.

Maxkamada ayaa sheegtay in diinteena islaamku ay ogoshahay inuu ninku garaaci karro Xaaskiisa iyo caruurta aan qaan gaarin, Maxkamada ayaa go,aamada ay soo saarta waxaa kamid ahaa in aan la garaaci karin Hablaha Qaan-gaarka ah ama 18 jirka gaaray,
 
Go,aankan maxkada ayaa guud ahaan waxa uu sheegayaa in la ogol yahay inuu ninku yara buka- bukeeyo xaaskiisa laakiin aanuu gaarsiin karin nabarro muuqda oo wajiga iyo jirka kalaba ah, iyadoo aan la ogolayn inuu ninku Qaar iskala dhaco gabadha si axkaqnimo ah,