Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wasiirkiisa Kaluumeysiga Oo Hadalo Kulul Is Weydaarsaday

Wednesday - October 20, 2010

Xigasho Wargeyska Geeska Afrika : Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo iyo wasiirkii kalluumaysiga iyo maamulka dekedaha ayaa lagu soo waramayaa in uu hadalku ka taagtaagmay kulan ay shalay ku yeesheen xarunta qasriga madaxtooyada ee Somaliland looga arrimiyo.

Wasiirka ayaa lagu soo waramayaa in ka dib markii uu dhawaan madaxweyne siilaanyo wasaaradiisa ka hoos siibay maamulka dekedaha uu cabasho xoogan ka keenay kala saarida uu madaxweyne siilaanyo kaga dheegay wasaaradiisa maamulka dekedaha.

Warkan oo aanu ka soo xiganay wargeyska madaxa banaan ee geeska afrika oo ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa intaas ku daraya in uu madaxweyne siilaanyo wasiirka u sheegay in uu xaq u leeyahay in sida ugu haboon uu u dhigo.

Kulanka madaxweynaha iyo wasiirkiisa kaluumaysiga ayaa ku dhamaaday natiijo  la’aan waxaana lagu soo waramayaa in ay hadalo kulkulul intii uu kulankoodu socday is waydaarsanayeen.