Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

City Mayor-kii Ugu Horeeyey Ee Qaxooti Musllim Ah Oo Laga Doortay Magaalada Xagjirka Ah Ee Calgary

Thursday - October 21, 2010

City mayor kii ugu horeeyey ee muslim ah oo laga soo doortay caasidama labaad gobolka Albert lana yiraahdo Calgary kana mid ah dalka Canada .. Gudoomiyaha ama duqa magaalada Calgary oo magaciisa la yiraahdo Naheen ayaa asal ahaan ka soo jeeda qoys qaxooti ahaan ku yimid wadankan mudo sii horaysay oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Tansaniya. Naheen waa masuulkii ugu horeeyey ee loo soo doorta inuu qabto masuuliyad qiimahaas iyo xadigaas leh oo ka mid ah wadanka Canada.

Waxa intaas sii dheer in Calgary tahay magaalooyinka loogu yeero (The red neck country) oo tilmaamaysa dadka xagjir ah ee ka soo jeeda dadka cadaanka ah. Sidoo kale waxa lagu tilmaamaa magaalooyinka aan wali si buuxda u qaadan dhaqanada isku dhafan ee ka jira qaybo badan oo ka mida dalka Canada sida Ontario iyo British Culombia.

Calgary waa caasimada dhaqaalaha ee galbeedka Canada gaar ahaan gobol ka Alberta oo ah deegaanka laga qodo saliida loo yaqaan (oil sands) Inkasta warkani si baahsan ugu faafin guud ahaan dalka canada hadana waa arin aad loo hadal hayo. Sidoo kale waxay arintan aan la filayni ididiilo durugsan galisay dadka asal ahaan ka soo jeeda qoysaska wadankan qaxooti ahaan ku yimid oo inta badan is bida in siyaasada wadankani u xeeran tahay dad gaara.

Doorashooyin kan oo October 18 dii dhacay ayaa la filayaa in ay albaabada u furaan doorashoonka danbe siyaasiyiin hor leh oo la mida Mr: Naheen. Mr: Naheen sida wararku tibaaxayaan wuxuu helay tiro dhan 40% dadkii doorashada codeeyey taas oo u sahashay inuu noqdo tartamihii ugu tirada badnaa intii xilka isku soo sharaxday. Waxa iyadna xusid mudan in Somalida Alberta degan aad loogu booriyey in ay doorashada codeeyaan si loo ogaado in ay yihiin bulsho kamida bulshada gobolka degan oo loogu xisaabtamo cod bixintooda

doorashooyinka gobolka ee ku soo fool leh dhawaan. Waxa taas sii tirtirsiiyey somalida oo is bidaysa in maamulka degmo iyo gobol ba ka dhaga adaygay wax ka qabadkii dilkii faraha badnaa ee ku habsaday dhalin aad u da' yar oo intooda badani wadankan ku dhasheen ama ku soo karay kaas oo dhamaan ka dhacay gobolkan Aberta.

By ....... Kaid A. Diriye