Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dalalka Turkiga Iyo Giriiga Oo Ku Heshiiyey Sidi Ay Ku Joogin Lahaayeen Tahriibayaasha

Friday - October 22, 2010

GREECE - Xukuumada Turkiga ayaa ballan qaaday inay kala shaqeynayso dalka Giriiga sidii loo joojin lahaa dadka Tahriibayaasha ah ee kusoo qul qulaya dalka giriiga. Kadib markii  Reysal wasaaraaha dalka Turkiga Rajep Dayyip Ardogan uu la kulmay Reysal wasaaraha dalka Giriiga George Papandreou oo ay maanta ku kulmeen shirka dowladaha Badda Mediterranean,

Labada Masuul ayaa kawada hadlay sidii Turkigu uga caawin lahaa dalka Giriiga dadka Tahriibayaasha ah ee Giriiga soo gaara kuwaas oo soo marra dalka Turkiga, Reysal wasaaraha Giriiga George Papandreou ayaa sheegay inay bil walba soo gaaraan dalka Giriiga dad aan loo dul qaadan karin oo ka yimaada dalka Turkiga,
 
Labada dal oo uu ka dhaxeeyo khilaaf Raagay ayaa xukuumada Giriigu hore ugu Eedeysay dalka Turkiga in aanay diyaar u ahayn inay joojiyaan dadka Billaa sharciga ah ee dalkooda ka soo gudba iyo in Giriigu uu ku celiyo dalka Turkiga dadka ay qabtaan ee ku xiran dalka Giriiga ee ka yimi dalka Turkiga,
 
Kulankan oo qaatay laba saacadood ayaa Reysal wasaaraha dalka Giriigu uu sheegay inay ku heshiiyeen inay da'daalkooda kordhiyaan isla markaana ay si wadda jira uga hor tagaan dadka Tahriibayaasha ah,
 
Turkiga ayaa dhiniciisa ka dalbaday Dalka Giriiga inay fudeydiyaan Fiisayaasha ay dadka Turkiga ah ku geleyaan dalka Giriiga oo aad u adag hadii ay doonayaan in Turkigu wax kalla qabto joojinta dadka Tahriibayaasha ah ee ku soo qul qulaya dalka Giriiga,
 
Dalalka Turkiga iyo Giriiga ayaa xirikoodu soo wanaagsanaanayey sanadihii ugu danbeeyey iyadoo ay walli isku hayaaan labadaa dal lahaanshaha Badda Aegean iyo jasiirada kalla qeybsan ee Qubrus ama Cypru

Barkhad Cabdillaahi Maxamed - SWEDEN