Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Gudoomiye Shariif Sakiin Iyo Xildhibaano Ku Fikir Ah Oo Doonaya Iney Xarun Cusub ka Sameystaan P/lan

Saturday - October 23, 2010

By Wariye C. Khalif : Beesha caalamka oo intooda badan la yaaban madaxda sare ee dowlada iyo khilaafkooda joogtada ah oo marka mid la xaliyo mid kale la soo baxayo tabeello gaduudan ayaa hada ka walaacsan xaalada ka aloosan madaxweynaha Somaliya iyo gudoomiyaha baarlamaanka. madaxweyne Shiikh Shariif oo dhawaantaan ku cadaadiyey R/wasaare Sharma'arke inuu is casilo ayaa hada arinta ku xun tahay kedib markii sida muuqata gudoonka baarlamanka iyo isagu isku qabteen R/wasaaraha cusub iyo qaabka loo ansixinayo.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxayo in Shiikh Shariif uu doonayo hadii R/wasaare Farmaajo la ansixin waayo in uu geed dheer iyo geed gaaban u fuulo sidii uu xukunka uga tuuri lahaa gudoonka baarlamanka Somaliya Sharif Hasan Shiikh Adan.laakinse dadaalada madaxweynaha ayaa u muuqda kuwo aan tabar badaneyn maadama Shariif Hasan yahay nin mudanayaasha baarlamaanka sax iyo qaladba waxii uu doono ka sameysan karo, waxuuna awood buuxda u leeyahay inuusanba baarlamaanku fariisan ilaa mudo maadama inta badan Xildhibaanada barlamanka uu yaqaano sida loola macaamilo oo ah arimo uun ku soo aruurayo dhaqaalo.

Dhinaca kale waxaa isa soo taraya in Xildhibaano u badan taageerayaasha gudoonka baarlamanka ay u baqoolayaan Puntland si ay caasimada Puntland ee Garowe ugu sameystaan xarun cusub oo kumeel gaar ah sidii dhacday dowaldii C/ laahi Yusuf oo kale oo la kala deganaa Jowhar iyo Baydhabo halka qaarna xiligaas Mogdisho ku sugnaayeen. arintaan ayaa hadii ay dhacdo waxey dhabar jab ku noqon doontaa madaxweynaha oo isagu hada beesha caalamku aysan u heyn wax kalsooni ah maadama in badan laga dhawaajiyey inuu kooxahaan argagixisada ee dalka ka dagaalamayo uu xubin fir fircoon ka yahay.

Madaxweyne Shiikh Shariif ayaad moodaa inuu waji gabax kala kulmay beesha caalamka kedib markii uu R/wasaaraha cusub oo uu hor geeyey baarlamaanka ay arintiisa dhinac u dhici weysay iyadoo maantana aysanba jirin cid isku timid.gudoonka baarlamaanka oo aan inta badan isticmaalin awood ciidan ayaa ilaa hada dowlada Somaliya ka yeeli la' sida uu isagu doonayo. waxaana xaqiiqo ah in mar hadii qaar xildhibaanada baarlamaanka ka mid ah ay u guuraan meel ka baxsan Mogdisho ay howlaha ciidamada Africa ka wadaan somaaliya ay noqon-doonaan kuwa jaaho warersan. 

Isku soo duuboo Shiikh Shariif oo ay u harsan tahay wax ka yar sanad ayaa u muuqda inuusan waqtigaas yar ee u haray dhameysan doonin sida hada muuqata waxeyna u badan tahay in hadii lagu guul dareysto in la ansixiyo R/wasaaraha cusub ay isagu seefta qaadi doonto. waana nasiibdarada ugu weyn ee shacabka gaajo iyo colaad heysato mar haddi madaxdi dowaldu ka bixi waayeen khilaaf joogto ah.

C. Khalif