Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Labadi Shariif Isugu Baaqi Jiray Baashe Saar, Rankii Sayr .. Run Iyo Been Iska Daba Qufici Jiray Oo

Sunday - October 24, 2010

 Labadii Shariif Isugu Baaqi Jiray Baashe Saar, Raanii Sayr .. Run Iyo Been Iska Daba Qufici Jiray Oo Maanta Kaftankii Isla Soo Dhaafay 

Aduunyada maxaa rag soo maray, maxaa waagi beryaba la arkaya wax aan loo fadhin .. maxaa waayo aragnimo la inooga waramay oo aan cadceedii soo baxdaba toos ula kulano har iyo habeen oo aan indhaha iska tuurnaa oo meel aan loo joogin isku qaadnaa .. maxaa murti la inoo sheegay oo aan dafirnay .. maxaa horteena caano la' inoo ku barxay oo is dhaafinay.

Yaan hadal kugu daalin waa nasiib daro in aragti malaasan, dhux dhuxdi iyo beenti naxariista ujeedada lahayd ee shalay dulmigi u wada hiiliseen durbaana u tunteen afar qaadkii iyo socodkii Shariif Xasan Aadan oo dibindaabyadiisi wixii uu soomaaliya ka galay illa maanta socota aad tiraahdeen Shiikh Xasan iyo barlamaankiisa xorta ee Eretereya fadhiya waa halyey aan aqalada dhexdooda sida hawenka dheriga ku meyrin, tiraahdeen dhabxanagiisa qiiradana dhiiga shacabku kiciyaa .. waa adinkii shalay amaantiisa ku asqeysiiyey heeso qunbulada ah .. waa ayaan daro kaba caseeyihii ceel gaab shalay fadhiyey intusan darawalka noqon oo ahaa baahi caga leh in beenti aad ku buun-buuniseen illa u maanta isu qaatay kan aan shimbir dhaanta jirin ee isagu yahay haadka kaliya ah ee duula hawada, illa uu adinkii isku soo kiin rogo oo ku cataabtaan in u dalkii iyo danihiini gaarka u rogayo .. su'aashu waxay tahay yaa rogay dalka, jawaabtu idinkaa maalin walba birmada iyo gurmadad u sameeya sumad laawe xulashadiisu guracantahay oo aan aqoon ciseynta sharafka qaranimo  .. ummadi ibleys duufsado ma deeqaan waano iyo wax sheeg .. waxaa lala dardaarma dadkii wax u dambeeyaan .. awliyooy wanaag, ibliisoow xumaantaa. 

Cala ay xaal war-keygi oo kooban Shariif Sakiin ee umada Somaali weligiis ku ahaa dabar iyo daba galis waxaa la yiri waxuu diidanyahay magacaabida Raiisal wasaaraha, runtise sida aan xanta ku hayno ujeedadiisa digta iyo dayaanka iyo xeer dumiska maanta uu sameeyey intaa waa ka xeel dheertahay oo sida la isla dhex marayo meel ayaa dun ugu xiran oo ujeedadiisu dariiq kale aan u furneyn oo ah: waa saaxiibki ul iyo diirka ahaayeen waa shiikh Shariife ee daadku kala xiray uu dab saaro ama dib isu soo dabaashaan sidi nin iyo naag isu duday oo la isu soo celiyo, oo halkaas uu danihiisi ka sii wato

Waxaase wararku sheegayaan in Shiikh Shariifka dibinta ruugaaya lagula taliyey in haddi Shariif Sakiin dirirta sii wado oo diido waawaanta iyo heshiiska in markaas madaxweynaha u ku dhawaaqo kala dirista barlamaanka illa ay ka dhaceyso doorasho dambe amase cod ku diro taaso awooda sharciga u siinaayo.

Dhinaca kale kooxo isxilqaamay ayaa jira oo waan waan heshiis oo leh xabibayaalo sheydaanka iska naara, daacadana ha loo beyro hasa ahate dhawr jeer hurgufay go'odi markay arkeen ciridka Shariif Sakiin oo aan ilko ka soo jeedin, welise ma ay quusan ayaa la leeyahay oo hawsha dhexdhexaadiinta kama ay bixin, oo waxay rajeeynayaan iney ku guuleystaan.