Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Warbixin La Xariirta Cunida Xabxabka " Qaraha" Oo Wax Weyn Ka Tara Cudurka Dilaaga Ah Ee Dhiig-karka

Monday - October 25, 2010

Ka hortago waxa uu ka fiican yahay Is-daweynta, Waa murti ama weedh ku baahday Isticmaalkeedu dhinaca Caafimaadka. Waxa Dunidan aan ku noolahay ku soo batay Xanuunada jiitama ee loo caalwaayey, Sida Canser-ka, Macaan-ka, xanuunada sigaarku sanbabada ku reebo, wadno xanuun-ka iyo Tufta. sidaas awgeed waxa fiican in qof kastaa wax ka ogaado wax yaalaha laga qoro caafimaad-ka.

Warbixin caafimaad oo ka soo baxday dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in cunista Xabxab-ka amase qaraha loo yaqaan ay hoos u dhigto dhiig karka, siiba dad-ka da’doodu dhex dhexaadka tahay. source-iga warbixintan oo lagu daabacay Wargayska The American Journal of Hypertension ayaa lagu faahfaahiyey in cunista Xabxabku oo la laasimo ay hoos u dhigayso kororka khatarta cudurka dilaaga ah ee dhiig-karka.

Baaritaankan caafimaad oo ay sameeyeen khubaro ku takhasustay Dhiig-karka ayaa lagu ogaaday in hadii Qofka dhiig-karka qabaa uu cuno 6 gram oo Xabxab ah maalintii ay heerka dhiig-karkiisu hoos u dhacayo.

Haddii Dhiig-karka aan lala tacaalin, sida warbixintu sheegtay waxa uu keeni karaa wadnaha qofka oo istaaga iyo Xanuunka Faaliga (Stroke) oo isna ku dhaca qofka.

Waxa Soo Tarjumay: Osman Abdillahi Sool