Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Shariif Sakiin Oo Indhihi Si Fiican U Kala Qaaday Iyo Mudane Farmaajo Oo Beri La Ansixin-doono

Tuesday - October 26, 2010

War iminka shabakadaan ka soo gaaray magalada mogdisho ayaa tilmaamaya in berito arbaca ah u dhici-doono kulankii barlamaanka lagu ansixin-lahaa raiisal wasaaraha cusub Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maalmahaanba Shariif Sakiin garkii iyo mdaxi u soo xiirtay ee sanka iyo dibinta sare dhexdooda in yar kaga tagay si u hor istaago ansaxinta wasiirka koowaadad ..sida muuqatana kitaabkii uu hoosta kala soo baxay hadal iyo hardiba meel ku gaari-waa oo sooryadi kiishka lacgta lagu heli lahaa waxuu arkay inaan sidaas lagu soo xero galinkarin. 

Shir 250 xubnaha baarlamaanka oo ka soo horjeestay shariif Sakiin oo maanta dhici lahaa ayaa la sheegay in la baajiyey kadib markii ay soo baxday warar sheegaya in madaxweynaha iyo Shariif Sakiin ay gaareen heshiis lana isla meel dhigay in maalinta arbacada ansaxinta wasiirka koowaad la meel mariyo hasa ahaate labada masuul waa Sharifyade midkoodna kama bixin wax tacliiq ah warkaas faafay...