Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Allaahu Akbar .. Bilis Haween Tony Blair Dumaashidi Oo Dhaar Ku Xagaf Siisay Iney Islaamtay

Wednesday - October 27, 2010

Bilis Haween Lauren Booth oo la dhalatay marwo Cherie Booth oo u dhaxda R. Wasaarihii hore ee dalka Britain Tony Blair ayaa daboolka ka rogtey inay ku soo biirtay diinta Islaamka taaso ay horay u jirtay in Blair laftiisu uu ka baxay mad-habta Baroteestanka oo uu galay Catholiga isla masiixiyadda isla markii uu xilka ka degey sanadii 2007-dii.

Sida lagu daabacay Wargeyska Daily Mail, Miss Booth ayaa tibaaxday inay go'aankan qaadatay ka gadaal goob ruuxaani ah oo ay ku dareentay waa sida ay u dhigtaye maoowlac ku yaalla dalka Iran, iyadooo iminka madaxeeda tarxad amase gambo ku dabooshay, iskana dhaaftay wixi khamri ahaa iyadoo markay awoodana masaajidka tagta.
Miss Booth oo 43 jir ah isla markaana hooyo u ah 2 caruur ah mudana ahayd dadka Islaamka tixgaliya kana soo horjeedey dagaalkii Ciraaq ayaa saxwadan ama baraarugaan cusub ku sheegtay mid u yimi 6 todobaad ka hor gaar ahaan mar ay booqatay moowlac ay shiicadu barakaystaan oo ku yaalla magaalada Qom ee dalka Iraan.

'' Goobti mawlaca ayaan fariistay dabadeed waxaan dareemay dawo iyo xanuun tire ruuxi ah, barako iyo farxad leh'' ayay tiri Lauren Booth oo mar tartame ka ahayd barnaamijyada Reality TV .. Lauren Booth markay Ingiriiska ku soo gurya noqotayna Islaamnimadeeda Shaacisay. Iyadoo daba dhigtay '' Weligeey waxaan dareensanaa in Umada Islaamku ay tahay mid is jecel, nabadana jecel, sabar iyo dulqaad badan .. waana ku faraxsanahay inaan xubin ka noqdo''.

Waxyaabaha kale ee iska bedeley nolosha Miss Booth oo ahayd Saxafiyad iyo u halgama xuquuqda insaanka ayaa waxaa ka mid ah iyadoo iminka joojisey cunista hilibka Khaanziirka, isla markaana akhrisa Kitaabka Qur'aanka Kariimka iyadoo aan meesha ka saarin inay isku dabooli doonto xijaab ama Burqa wayn mustaqbalka dhow.

Miss Booth ayaa sheegtay in aanay iminka cabin mudo 45 cishe ah taaso ah mudadii ugu dheereyd ee ay khamri moogaato mudo 25 sanadood ah iyadoo qaadan waa iyo la yaab ku tiraabtay in aanay iminka niyad u haynin cabista ama taabashada Alkohoolka oo ay sheegtay inay ugu yaraan 2 beeg qac ka siin jirtey maalin kasta.
Miss Booth oo dhowaantan dumaashigeed Blair ku dhaliishay inuu u janjeero dhanka Yuhuuda haatana wakiil wareed u ah TV-ga afka Ingiriisiga ku hadla ee Press TV oo fadhigiisu yahay dalka Iraan ayaa la arkayay iyadoo madaxu u daboolanyahay waxayna warkan farxadda leh kaga baaqday xaflad ay magaalada London kaga qayb gashay oo uu soo agaasimey ururka Global Peace and Unity.