Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Hal Door Prince A.Takar Oo Dhambaal Qunbulad Ah Kaga Digay Beesha Jiifka Iyo Qabka Ay Isaga Jiraan

Monday - November 8, 2010

Prince Axmed Cabdi Takar ayaa noo soo diray dhambaal qunbuledeysan uu kaga danqanaayo  jiifka hurdada, hanadi is moodka iyo qabka ay isaga jiraan beesha Tanade oo aysan ogeynba halka ay isla joogaan iyo sawirka ay ku dhex leeyihiin makhluuqyada bulshooyinka kale ee dhinacyada uga meegaaran gaar ahaan markii loo eego hanka wax qabadaka iyo horumarka laga filaayey beeshaas oo daxaleystay amase beenoobay .. Maxaa shalay Nin hooseeyey maanta faankiisa la hayn waayey .. Nin hurdow ka toos jiifka .. Nimaan hadlin hooyadiis qadisay buu ku yiri dhambaalkii caro garoortay Axmad Cabdi Takar

Ereyguba waa hube Mr. Axmed Cabdi Takar oo yiri inta shacbkaas dhiidhiida ku jiro aamus iga dheer ayaa ereyadiisi qoraalka aragtidiisa ku muujiyey in ujeedooyinka hayiga leh ee wax qabashada laga doonaayo beesha bulshada iyo waxa ay hamuumayaan halka ay jibaaxayso aysan marna is qaban karin oo ay tahay kaaf iyo kala dheeri, waxaanu Axmed guud ahaan biyo dhiciisu  yahay in haddi hadafku uun kaliya noqdo danta shakhsiga oo meesha ay ka baxdo istaraatiijiyo  danta guud ee beesha hadee qiimo beel iyo laan gaabkaa xumi iyo nabar weyn baa xigin markaasna waa nasiib daro iyo habeen baan arkaa Oodan oo wixi la sugaba waa calaacal timo ka soo baxeen

Hal door Axmad ayaa dhambaalkiisi murtida danqashada lahaa uga hadlay si kooban oo ku yiri sida soo socota:

Somalida inta caqliga salimka leh amse caddaalada jecel waxay ka marqaati kacayaan in beesha TANADE aysan jirin beel kula mid ah ama la wadaagta sifooyika hoos ku qoran;

1. Diin iyo Dal jacayl
2.nabad iyo deris-wanaag
3.cafis iyo dul-qaad
4.cadli iyo sinnaan

Waxuu raaciyey taasi waa wax aad loogu riyaaqo waayo sifooyinka aan kor ku
soo sheegnay waa kuwo sabankaan aan ku jirno dhif iyo naadir
ku noqday beelaha kale ee somaliyeed dhexdooda waxayna
ammaan iyo sharafna u yihiin beesha tanade..
 
laakiinse ayuu yiri markaad dhan kale ka eegto beesha TANADE wax-yaabaha ay dhabarka u ridatay ooy qaayibtay oo ama gunimo ah, amase xaqqiraad ah amase dulmi iyo caddaalad dari ah ooy kala kulmaan beelaha deriskooda ah waa wax taariikhda u galay ooysan la wadaagin qolo kale .. Wa murtiye " Dhadhan malaha aadmigu waxuu kugu dhaliilaaye Dhaqashiyo .. mar bay kaa yahiin dheregu xaaraane Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrsataa abide"

Isagoo hadlkiisi si wata waxuu yiri; cuqaashii ,culimadii, aqoonyahankii beeshuba waxay daba-
fariisteen ooy marti u noqdeen beelaha deriskaa.. sida la ogyahayna martidu sida kalluunka waxay kusoo urtaa saddex cisho , (marti xiiseheed waa habeen reerka loo xulaye) .Iyadoo la wada ogyahay in soomaalidii xurmada ,xididnimada , derisnimiada iyo islaamnimada xeerin jirtay beri hore ugu dambaysay somalida maantana shan farod iyo calaacal uun ay kaa reebto "ninkii warankaagu galo ayey weedhaadu gashaa". 
 
Waxuu Axmed Raacshay oo yiri; Waxaa kaloo iyana iska cad in nidaamkii guud ee dowladnimo
ee ruux walba xaqiisa iyo xurmadiisa u ilaalin jirey uu meesha ka baxay bedelkeediina uu sameysmay is-baheysiyo iyo maamul beeleedyo qolo walbaa eey degaankeeda iyo dadkeeda
u sameysatay, xataa dadkii la yasi jirey amase laga tirada badnaa ee gabooyaha ayaa u halgamaaya sidii ay u yeelan lahaayeen dhul iyo maamulba,  waayo waxay ku baraarugeen ooy fahmeen dhanka mowjadu u socoto iyo inaan qoladii aan dhul iyo nidaam sameysan eysan la jaan qaadi karin SOAMALIDA CUSUB .
 
Ujeedadeydu waqtigaan la joogo maaha inaan ku baaqayo inaan dowlad-goboleed sameysano (walloow ay taasi lama huraan noqon doonto waqtigey noqotaba) laakiinse marxaladaan
hadda BEESHU ku sugan tahay waxaa mihiimada koowaad ila leh arrimahaan soo socda:

1. isxurmayn,ismaqal,isku tashi,isweheshi iyo isu hiilin gudaha
    ka hirgala oo beeshu ku wada noolaato

2. iney ka waantoobaan waxii ay ku talo, iyo taag beeshay oo
   tafaraaruq iyo is-xasid ah sida: kani waa reer hebel,    reer hebel
    baa ka dambeeya oo dan kale. iwm

3. in qof kastaa  ku deeqo wixii uu awoodo(aqoon,naf,maal,
   waqti iyo hibo kale) wixii la heystana talo loo dhan yahay
   lagu maamusho , ee aysan dayacmin sida isbitaalka g/dogob

 4. darajooyinka ka jira somaliya waqtigaan la joogo waxaa lagu
     helaa heyb qabiil , marka waa in aqoonyahanka iyo wadaadka,
     iyo waranluhuba u hanqal taagaan sidey maamulka uga qeyb
     gali lahaayeen ha noqdo TFG amase is-maamulada kale
     ee ay degan yihiin .. waayo mansabka iyo madaxnimadaba
     hadiyad leysuma siiyo

5. in qofkii beesha ah ee nasiib iyo raganimo u yeesha inuu
   ka   mid noqdo maamulada jira (mid guud iyo gaara) in aan la
   mucaaridin , la xasdin, la dicaayadeyn  ee lagu taageero ,   isagana
  waxaa looga fadhiyaa amase laga sugayaa inuusan noqon aalad sida
  rimuut-kontroolka loogu is-ticmaalo duminta ,kal-geynta iyo gumeynta beesha

6."tol dulloobey odey dooralaa loogu dowgalaye" issimada iyo
   odayaasha beesha waa iney joogteeyaan doorkooda
   hogaamineed oo aysan shirarka iyo showrka u kala kicin

7. qurba-joogta wax qabadkooda waa inuu noqdaa mid mira
   dhal ah oo ficil iyo qowl wad-socdaa lehna aragtiyo iyo hadaf
   fog oo loogu dhiso maamul beesha(xagga siyaasada), kaasoo
   la jaan-qaada wacyiga iyo is-bedelada wadanka ka socda
 
8." nimaan hadlin hooyadii qadisay" waa in ugu yaraan qorshaha
   waqtiga dhow ay ugu horeyso dalbasho in degaanka galdogob
   uu noqdo gobol buuxa ee maamulka uu hadda ka tirsan yahay
   sidoo kale degmooyinka bari ee beeshu degto iney dalbadaan
   iney helaan xaqooda dhan walba ... ayuu hadalkiisi murtida lahaa ku soo gabagabeeyey