Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Mawaadin Sacuudi Ah Oo Ka Diday Kuna Goodiyey Dacwad Sawirka Gabadhiisa Lagu Arkay Wargeys

Monday - November 8, 2010

Sacuudi Arabia: Mawaadin Sacuudi ah ayaa si xun uga diday kuna caga-jugleeyey inu maxkamad la tiigsan-doono gabadhiisa oo suuradeeda wargeys lagu soo daabacay iyado calankii sacuudiga ku xashaasheysa gacantana ku haysa .. Waalidka sacuudiga oo arintaa ka buuqsan ayaa sheegay inu si lama filaana ku arkay suurada gabadhiisa oo jornaalkaas ku sawiran dabadeedna ay ku noqotay kedis iyo  maroor-dilac, waxuuna sheegay in usan garaneyn ciida u fasaxday qaadista suuradaas iyo in lagu nashro wargeyska, waxuuna ku goodiyey in dadka falkaas edab darada ku kacay uu raacdeyn iyo dacwad ku soo oogi-doono magta gabadhana ay bixin-doonaan

Lama garanaayo suuradaas cida qaaday iyo goorta qaadista ay dhacday, hasa ahaate dhinaca wargeyska ayaa u cududaaray waalidka gabadha dhalay walow ay ku andacoodeen in suurada ay ka heleen kambyuutarka ayna muuqato in sawirka lagu qaaday goob caweys xaflad qaran oo uu boqorka Sacuudiga ka soo qayb galay.

Kiiskaan mid la mida ayaa isla sanadkaan horay uga dhacay oo la isku dacweeyey gabar 16 jira oo sawirkeeda lagu arkay wargeys ka soo baxa dalka sacuudiga gudihiisa waxuuna kiiskaas gaaray heer maxkamadeed oo waalidkii loo xukumay magdhawo uu ku qancay.