Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Ujeedo ka Jeedadi Labada Shariif Oo Isku Mari La' Kursi Raajicinta Ina Cabdi Salaam

Wednesday - November 10, 2010

Mogadisho: Warar deyris ah ayaa naga soo gaaraya xarunta ay ku hoydaan madaxda dawlada Shiikh Shariif oo tilmaamaya in jaahlnimada haleeshay masuullintaas digta iyo gorgortanka ka baxaya ay iyagiina isku noqdeen xujo ummaddi kale ee sugeysana siigaadoodi ku hafteen, waxaana muranku u badanyahay dhinaca labada Macalin Shariif oo isku haysta Sangaha Baqalka dhaafsi.

Shariif Sakiinka oo lagu sheego nin aan diirka hambeyneyn waxuu iminka kursi u raajicinayaa sida la leeyahay in loo boqro rag markii hore la oran jiray af-minshaarin oo hada la yiraahdo caga sefla-yaal uu ka mid yahay Axmed Cabdi Salaam isagoo ku andacooday waa sakiine iney hadda yihiin rag kheyrka wada oo mashiin cusub lagu soo dambaray, laakiinse madaxweyne Shiikh Shariif ayaa calan cas taagay oo sheegay inu dirir ka xigo ragaas haddi golaha lagu soo daro.

Sida ay sheegeen rag dabka u kala qaada labada Shariif ayaa ka maqlay madaxweynuhu in uu ku tilmaamo Ina Cabdi Salaan kidibkii ifka oo kor iyo hoosba u xun yahay oo balah balahdiisa ay tahay xaasadnimo iyo mindiyo xabaal, sidaa daraadeed ayaa la leeyahay Shariifku waa saluugsanyahay magaacaabida Axmad Cabdi Salaam oo ku sheegay inu sida haada geed galinba tagaayo, waxaa kalo warku intaa raacinaya in itoobiyaanka oo ka gaws haysta xilka Maxamed Farmaajo gadaal ka riixayaan Shariifka baarlamaanka si uu ugu mitido mucaaradiinta Shiikh shariifka uu ka mid yahay Axmad Cabdi Salaam Iyo gurubadiisa, 

In badan ayaa laga tala bixiyey habka loo soo dhisaayo dawlad cusub ee somaaliya, welina xaqiiqada fari kama qodna oo runi maqan iyadoo weliba wixii laga xishoon jiray badka soo dhigaaya kuna faanaya .. bal xage lagu arkay sharcigeese u soo mareen madaxweyne iyo gudoomiye baarlamaan ku loolamaya dhismaha golaha wasiirada oo aan lagala tashaneyn raiisal wasaarihii oo dhinacooda fadhiya, berina wax kale oo naga yaabiya baynu maqli-doona ee war-baahinta dhagihiina ha u taagnaato.