Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Boliska Talyaaniga Oo Xiray Wakiil Ka Ganacsada Dhoofka Caruurta Somaaliyeed

Thursday - November 11, 2010

Booliska magaalada Roma ayaa xiray wakiilka shirkad Soomaali oo xafiis khaas u ah ka ganacsiga caruurta kuna lahaa magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga.

Shirkadan oo wadata magaca Daryeelka Carruurta Danyarta ah ee Soomaaliya ayaa la rumaysan yahay in ay xafiisyo ku kala leedahay Muqdisho, Nairopi iyo Kambala oo ah sida ay sheegtay wararka raadiyaasha talyaaniga 

Yuusuf Cabdi Kaamil oo Soamaali ah da’diisuna tahay 48 jir ayaa booliska Talyaanigu xabsiga u taxaabay habeenkii Jimcaha ee toddobaadkan ina dhaafay iyadoo loogu dawgalay Document ama warqado macmal ah oo ay wadatay haweenay Somaliyad ah oo wadata laba carruur oo mid ka mid ah aanay dhalin ama waalid u ahayn sida ku cad baasaboorka ay wadatey oo ay bixisay safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga laba sanno ka hor.

 Shirkadan ayaa horrey dacwad dhinaca dhoofka dalka ah u gashay 3 sanno ka hor ka dib marku garoonka dayuuradaha ee Norway ( Oslo ) lagu qabtay afar carruur ah oo saddex ka mid ahi ay Soomaali yihiin, isla markaana aan wadan aqoonsi rasmi ah. Waxaa waqtigaas xabsiga la dhigay haweenaydii masuulka ka ahayd dhoofka carruurtaas, taas oo aakhirkii dib loogu celiyey Nairopi oo ay ka soo dhoofeen markoodii hore .. arrintan ayaa faldambiyeed culus ku noqon karta saraakiisha ka tirsan shirkadaha noocan ah ee ka shaqeeya hawlaha carruurta ee xafiisyada ku leh Soomaaliya iyo arlo kala duwan.