Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Wasiirada Qaarkood Oo Lagu Dhawaaqay

Friday - November 12, 2010

Raisal Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo aya banaanka soo dhigay liiskii magacyada 9 wasiir oo sida la sheegay hordhac ah, lana filaayo inta kale iney soo bixidoonaan ilaa beri subax.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa marar badan ku geesinimo galiyey in raisal wasaaraha u muranka iyo afduubka iyo is hortaaga garas-maroojiska ah ay wadaan labada Shariif uu ka madax banaanaado .. waxayna taas keentay in Mr. Farmaajo saaka soo saaro magacyo wasiiro oo is- baaradi ay dhigteen shariifyada ku laado walow rag qar wasiiro ay wateen liiska lagu arkaayo 

Shaxda wasiirda liiskooda la helay ayaa sidaan u qoran, sida la sheegayna liis shaacintaas waxaa ka dhashay gadood, buuq xoogan iyo is qab qabsi fara ku taag taag madaxda sare baarlamaanka  dhexdooda ah waana adagtahay sida la sheegaayo anshaxintooda maa daama buuqa uu weli taaganyahay.

1-Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada, Max’ed Cabdullaahi Oomaar... .Isaaaq habar-awal

2-Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Max’ed Xaaji.... weli ma helin 

3-Wasiirka iskaashiga iyo iskaashiga Caalamiga Prof Cabdi Wali Max’ed.... Cumar Maxamuud

4-Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga C/shakuur Shekh Xasan.... Habargidir

5-Wasiirka Haweenka Maryan Cariif qaasim.... Murusade

6-Wasiirka howlaha guud iyo iyo dib u dhiska C/rashiid Khaliif Xaashi.... Tanade/ Leelkase

7-Wasiirka Cadaalada iyo arimaha diinta C/laahi Abyaan Nuur ... ma helo 

8-Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta C/kariin Axmed Jaamac.... dhulbahnte

9-Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane ... Digil iyo Mirifle