Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Kuwi Xukun Ma Naloo Dhiibo Xuuxda Ku Hayey Oo Caano Booro Laga Lisay

Friday - November 12, 2010

Waxaad mooda in daweynaha markay maqleen amase arkeen liiska cusub ee wasaaradaha lagu soo taxay ay yiraahdeen Bagaha Iyo Nus mar haddi meesha laga diln-dileeyey oo sidi aarka guudka looga booday kuwi shalay lahaa anagaa hormoodkiina ku haboon oo hadana cadawgii ummada hiil ka dhigtay kana been sheegi jiray xaalada dareenka dadka, dalka iyo waxa ay marin habaabiyeen.

Daaxuuradaas hanadiida is-mooday ummadana ku haystay afduubka xaaraanta ah, waxaa maanta ku dhacay dumaaleysi iyo i-bixi-yoow i-bixi oo hanfariirkii ku dhacay maanta ku kala yaaceen

Dhoqorjaa oo xulashadooda markii horaba guracneyd waxay caado ka dhigteen ineysan wax hawl ah qabanin oo kaliya meherad ka dhigteen booli xantoobsi, xarig jiidasho iyo ereyo runta lagu sal guuriyey oo sabab u noqda qaska iyo jaahawareerka siyaasadeed ee dalka ka jira oo ay ka mid tahay horumar ayaan ka gaarnay iyo hadalo la mida oo hadoofa.

Shacabka oo aad moodo iney dhoohanaanti ay ku jireen wax yar indhaha bilig ka siiyeen waxay si aada ugu riyaaqeen iyo hambalyo is wada dhaaftay wasiiradaan cusub ee runti xirfada cilmiga guntiisa shahaadooyin qimo leh ka wata, waxay Raiisal Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Ku booriyeen inusan hadafkiisa dookha leh ka leexan oo hootadiisa shiishka hoos u dhicin amase liicin .. Maxamed xisaabta dib u rog rogo oo hanka xumi ha beenoobo si aan ciisi u helno cudur la'aana u seexano .. caynkas baaqa waxaa nogu wacan waa ciilkaan qabno ayey yiraahdeen shacabkii u riyaaqay liiska ay ku soo baxeen wasiirada.