Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Gacan Ku Dhiigle U Dhashay Konfur Afrika Oo Ka Xog-waramay Sheekooyin Xanuun Leh

Monday - November 15, 2010

Cape Town- Gacan-ku-dhiigle u dhashay dalka Koonfurta Afrika oo lagu magacaabo Sandisuwa Qouwlisa, ayaa qirtay inuu si bahalnimo ah u dilay 9 qof oo Soomaali ah, isaga oo ka xog-warramay sababta ku keliftay inuu laayo dadkaas Soomaalida ah oo meherado ganacsi ku haystay dalkiisa.

Gacan-ku-dhiigle Sandisuwa oo hadda ku jira xabsiga ugu weyn dalka Koonfurta Afrika ee la yiraahdo Drakenstion Prison oo ku yaal magaalada Cape Tawn, waxa lagu xukumay xabsi daa’in aan la soo booqan Karin marka laga reebo sannadkiiba laba jeer oo uu loo ogolaaday in eheladiisu arkaan.

Sida lagu faafiyey wargeyska Daily Sun ee ka soo baxa waddanka Koonfurta Afrika, isla markaana baahiyeen qaar ka mid ah shabakadaha wararka Soomaalida, waxa gacan-ku-dhiigle Sandisuwa uu qirtay inuu 9 Soomaali ah si barera qoorta uga jaray, halka qaar badan oo kalena dirqi kaga badbaadeen.

Dhagar-qabe Sandisuwa oo ka hadlayey sababta uu u laayey Soomaalidaas, waxa uu yiri; “Waxaan ogeyn in ay lacag badan ku heystaan dukaamada dhexdooda, iyaga oo aan haysan hub ay isku difaacaan, markaanu ogaano in Soomaalidu hub haystaana booliska ayaannu ku soo diri jirnay.

Waxaan soo xasuustay in aan bistoolada iska soo qaato ayaan toogan jiray Soomaalida ka dibna lacagta ayaan ka dhici jiray, wadne naxaana igu ma jirin, waxaanna ii muuqatay oo qura lacagta, Soomaalida tuulooyinka ku nool qofna ma daryeelo maadaama ay yihiin shisheeye aan lahayn dad u dooda.”

Sheekadan naxdinta iyo murugada badan ee gacan ku dhiigle Sandisuwa waxay daaha ka faydaysaa siyaasadda xun ee dawladda Koonfurta Afrika kula dhaqanto dadka Soomaalida ah ee dhibaatooyinku haystaan, iyada oo aan loo ogolaan inay xiriiro la yeeshaan bangiyada lacagaha la dhigto iyo hay’adaha kale ee dawladda sida booliska iyo hay’adaha kale ee ammaanka.

Gacan ku dhiigle Sandisuwa oo da’diisu tahay 24 sanno, waxa xabsiga kula jira 12 dambiile oo ay ku shuraakoobeen laynta iyo dhaca Soomaalida ku nool Koonfur Afrika, iyada oo ay xabsiga uga sii horreeyeen 20 kale oo ah gacan ku dhiiglayaal dilal gaystay.

Soomaalida ku dhaqan Koonfurta Afrika, ayaa dilal iyo dhibaatooyin joogto ah kala kulma bulshada ay la nool yihiin, gaar ahaan kooxaha burcadda ah ee ku mamay laynta iyo dhaca hantida Soomaalida meheradaha ku leh tuulooyinka South Afrika .