Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Mareykanka Oo Xiray Haweyney Somaaliyeed

Wednesday - November 17, 2010

Maraykanka waaxda cadaalada ayaa Xirtay Haweenay Soomaaliyeed oo ku nool gobolka California inay taageero siisay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ka dagaalanta Soomaaliya.
Naciima Cali Yuusuf oo 24-jir ah ayay ciidanka ammaanka Mareykanku ka qabteen 12-kii bishan magaalada Sandiego ee gobolka California waxaana eedaha loo haysto ka mid ah inay lacago iyo qalab kale u dirtay Xarrakatul Shabaab.

Xeer ilaaliyaha guud ee Marykanka Laura Duffy ayaa sheegay in dacwadda loo haysto Naciimo, inay koox uu Mareykanku u aqoonsan yahay argagaxiso xiriirna la leh Al-qaacida ay u dirtay lacago iyo qalab kale.

" Waxay Naciimo been u sheegtay waaxda dambi-baarista dalka Mareykanka kaddib markii la weydiiyay ku lug lahaanshaha inay taageerto argagaxiso caalami ah" ayay tiri Duffy, iyadoo aan bixin wax tafaasiil ah oo intaas ka badan.

Dacwadahan lagu soo oogay Naciimo, ayaa la sheegay inay ku mudan karto xabsiga gaaraya 15 sano iyo ganaax gaaraya 250,000-dollar. Inkastoo warar kale ay sheegayaan in xabsigeedu uu noqon karo siddeed sano, halka ganaaxuna aysan wax isbadal ah ku dhacayn.