Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Haweyney Ka Dalbatay Maxkamada In Ninkeedu Furo

Thursday - November 18, 2010

Waxay Maxakamadda ka Dalbatay in Ninkeedu Furo, Isaguna Booliska Ayuu u Diray Baafinta Xaaskiisa       
Thursday, 18 November 2010 
Haweenay lagu magacaabo Coroline Scot oo da’deedu tahay 32 jir, una dhalatay dalka Romeniya, ayaa waqti subax ah aqalkeedii ka jarmaaday kuna waabaraiisatay maxkamad ku taalla Dalkaas
. Waxa haweenaydani ka codsatay maxakamadda in ninkeedii oo ay khilaaf ba’ani dhex yaallay uu furo oo siiyo xorriyad taam ah, kadib markii muddo dhawr jeer ah ay maxakamaddu dhegaysatay dacwadooda.

Haseyeeshee, muddo daqiiqado ku siman ayaa maxakamaddu ku qaadatay go’aan dhan ka ah ninkii qabey haweenaydaas, waxayna u dhiibtay warqaddii go’aanka furriinka ee iyada iyo ninkeeda. Coroline dib uma noqon waxayna dayuurad kuwa dalka gudihiisa ka shaqeeya ah u raacday xeeb lagu raaxaysto.

Ninkii qabay haweenaydan markuu keligii noqday ee uu joogay aqalka 24 saacadood, ayuu u tagey booliska kana diray baafin uu ku baadi-goobayo xaaskiisa oo guriga ku soo noqon wayday.

Booliskuna taas wuu fuliyey, maalin kadibna wuxuu ka helay haweenaydii xeeb kuwa lagu nasto ah oo ku taal mid ka mid ah xeebaha magaalooyinka bariga dalkaas, waxaana iyadoo la rumaysan yahay in madaxa looga jiro la soo saaray tareen u kala goosha bariga iyo badhtamaha dalkaas.

Wax yar kadib markii la keenay saldhig booliska oo ku yaal xarunta dalkaas, ayaa loo yeedhay ninkii qabey, waxayna saldhigga iyo ninkeedii hordhigtay warqaddii furriinka maxakamadda iyo inay tahay shaqsi xor ah. Waxa intaa dheer, iyadoo araarta hore ee warqaddani caddaynayso amma ay wadato tix-raac ah in Mr. Charles Caplan oo ahaa ninkeedii hore uu yahay shaqsi madaxa ka jiran, taas oo keentay in boolisku keligiis dib xabsiga ugu taxaabo.