Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Ganacsade Somaali Ah Oo Reer Minnesota US Oo Lagu Dilay Meel Aan ka dheereyn Madaxtooyada

Thursday - November 25, 2010

Warar ay baahisi News Fox9 ee laga leeyahay cariga mareykanka ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lagu dilay ganacsade reer Minnoseto ah oo u dhashay dalka Somalia, laguna magacaabo Bashiir Axmed Cabdi.

Bashiir wuxuu tagay Muqdisho laba toddobaad ka hor si uu uga talo bixiyo nooca xukuumadda Somalia la soo dhisayo, sida la hadal hayna waxaa u yeeray Raisal Wasaaraha oo malaha rabay inu xil ku magacaabo gaar ahaan dhinaca sharciyada, laakiin nasiib daro rag hubeysan ayaa ku dilay meel aan ka fogey xarunta madaxtooyada Villa Somali, halkaasoo uu naftiisa ku waayey xilli uu doonayey in dadkiisa uu ka caawiyo meel marida dowlad qaran.

Ganacsadahan oo muddo ku noolaa gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka wuxuu kaloo ahaa qareen, waxaa la sheegay in la dilay shalay subixii Talaadada ee isbuucan.

Minnesota wuxuu ku lahaa dukaamo lagu iibiyo ka ganacsiga dharka, ehelkiisa oo laga soo xigtay dilkiisa ayaa aad uga naxay falkan kuna tilmaamay mid wuxuushnimo ah oo marnaba aan loo dulqaadan karin, waxayna intaas ku dareen in Bashiir axmed Cabdi markii uu Somalia u safrayey uu ka walaacsanaa waxa ay xaaladiisu noqon doonto.

Ra'iisal wasaaraha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo laf ahaantiis ah Somali-American kana soo jeeda magaalada Buffalo ee New York ayaa Marxuumka la dilay wuxuu damacsanaa in uu ka caawiyo dhismaha golaha wasiirada, Farmaajo wuxuu isku dayayaa in uu Somalia ku soo celiyo nabadeedii.

Dhinaca kale shabakadaan oo wax ka ogaatay qoyska marxuumka oo lagu sheegay inu ahaa nin asluub wanaagsan lahaa kana soo jeeday qoysas culimo ku abtirsada oo beel ahaan u dhashay Shiikhaal