Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Xaajiyo Saara Oo Xarunti Waxyiga Xijaas Rabi Kaga Tuugtay In Wiilkeeda Obama Alle Muslim Uga Dhigo

Friday - November 26, 2010

SAUDIA- Xaajiyo Saara Cumar ayaa dhawaan halka loo xaj tago ee xabiib-balaha anbiyada xunduntooda ah, iyadoo xajka gudaneysay ay dacwadeeda qufraan eebahay qaniga ah ku weydiisatay in wiilka ay ayeeyada u tahay alle naxariistiisa ugu deeqo muslin inu noqdo oo diinta gaalada aan milada lahayn ood ka saaro .. dharaar ayaa imaan-doonta wiilkeyga Obama Rabi raali ka noqon-doono oo alle ka badbaadin-doono naarta qiyaamaha lays ku aguugaayo ayey tiri maama Sahra oo u sheekeyneysay xujeydi la xajisay.

Maama Saara Cumar oo wiilkeeda Obama diraca ku sheegtay ayaa ku tilmaantay inu yahay halyey diiran, dulqaad iyo wanaag daacdnimo dadka caalamka ku sheegaan .. waa dun wanaagsan-yahay oo xuquuqda iyo xaqa ayuu markasta la duubnaada, kumana fakaro wax aan ummada u dan ahayn, ayey maamada warkeeda si raacisay.

Mar ay iyadana wareysi siisay Maama Xaajiyo Saara wargeyska Al-Watan ee Sacuudiga ayey ka gaabsatay su'aal wax laga weydiiyey in wiilkeeda ku soo laaban-doono iyo in kale doorashada madaxtinimo ka dhici-doonta Ameerika oo tiri; anigu ma doonaayo inaan dhex galo siyaasadaha oo alle ayaa og natijada mustaqbalka wax ay noqonkarto .. dana kama lihi oo muhim iima aha in wiilkeeyga Obama u ku guuleysto arimaha siyaasada Ciraaq iyo Afaaganistaan iyo inu jabiyo al-qaacida, laakin ay u duceyneyso in ilaahay diinta islaamka soo galiyo ayey hadalkeedi maama Saara ku sheegtay

Maama xaajiyo Saara oo hadl-keeda wargeyskaas ku soo gabagabeyneysay waxay aad uu aamaantay maqsuudna ka noqotay deyaafadi iyo soo dhaweynti boqortooyada sacuudiga ay u fidiyeen gaar ahaan Boqor Cabdala Bin Cabdi-Casii oo si xushnadi ku jirto u fududeeyey saadkii iyo hagti takaalifta xajka iyada iyo dhamaan qoyskeeda oo la xajiyey. 

Dhinaca Kale sida ay sheegaan bulshada degaanka kuqiilo- west-kenya oo halkaas maamo Xaajiyo Saara Cumar daris kula ah ayaa sheegay in xaajiyada ayeeyada u ah madaxweyne Obama ay tahay rux alla yaqaan oo cibaadada salaada waqtiigda dayicin