Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Madxweynaha Dalka Uganda Oo Soo Booqday Ciidamadiisa Ka Jooga Mogdisho

Sunday - November 28, 2010

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa booqasho gaaban maanta ku tagay magaalada Muqdisho halkaasoo ay ka joogaan kumanaan ciidamo ah oo ka socda dalkiisa oo howlo nabad ilaalin u jooga Muqdisho.

Booqashada Museveni oo aan horay loo shaacin ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijiyay wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya C/kariin Xassan Jaamac, wuxuuna sheegay in madaxweynaha Uganda uu kulan la qaatay madaxda sare ee dowladda.

Wasiirku waxa uu sheegay in kulankaasi looga wada hadlay xaaladda amaan, mida dowladda iyo tan ciidamada AMISOM.

Musaveni ayaa kulamadan uu la qaatay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha AMISOM kadib waxa uu dib ugu noqday xaruntiisi Kambala.

Waa markii ugu horeysay oo uu madaxweynaha Uganda imaanayo dalka Soomaaliya tan iyo markii la keenay dalka ciidamo ka socda dalkiisa.
Uganda ayaa in ka badan afar kun oo askari ka joogaan magaalada Mudisho kuwaasoo ku howl gala daladda AMISOM.