Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Sacuudiga oo mareykanka Ku Qal-qaaliyey In Uu Weerar Ku Qaado Iraan

Monday - November 29, 2010

Warbixino sir ah oo lagu faafiyay maanta barta internetka ee loo yaqaan WikiLeaks ayaa lagu fashilay arrimo badan oo khuseeya siyaasadda aduunka, gaar ahaan midda Mareykanka iyo dagaalada uu ka wado dalalka Ciraq iyo Afghanistan.

Warbixinadan oo ka kooban 250-kun oo dokumentiyo sir ah ayaa sidoo kale banaanka lagu keenay damaca iyo buufiska qaar ka mid ah madaxda caalamka.

Nuqul ka mid ah warbixinadan sirta ah ayaa sheegaya in dowladda Sucuudiga ay dhowr jeer cadaadis ku saartay, kuna qal-qaalisay Mareykanka in uu weerar malateri ku qaado dalka Iran si loo baabi`iyo howlaha nucliyerka ee ay Iran ku howlan tahay.


Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha Liibiya Muammar Gadafi uu buufis ka qabo duulimaadyada dhaadheer ee badda korkeeda ah, waxaana sidoo kale uusan jecleyn seexashada hotelda dabaqyada dhaadheer isagoona marwalba dalbada dabaqa hoose.

Gaddafi ayay sidoo kale warbixintu sheegtay in uu had iyo goor wato naag cadaan ah oo timo cad taasoo u dhalatay dalka Ukrain, waxaana lagu sheegay dhakhtaradiisa gaarka ah iyadoona gabadhaasi ay ku baxdo lacag aan macquul aheyn.

Sidoo kale sirtan ayaa waxaa lagu ceebeeyay madax reer Yurub ah sida madaxweynaha Italiya Burlesconi iyo madaxweynihii hore ee Ruusha Putin kuwaasoo la sheegay in ay dhex dabaashaan masuq-maasuq kii ugu darnaa.

WikiLeaks ayaa dhowr jeer oo hore soo bandhigtay sir cadeymo wadata kuwaasoo fashilay howlaha Mareykanku ka wado dalalka Afghanistan iyo Ciraaq.