Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Maamulka Puntland Oo Ka Hadlay Dilkii Xeer-ilaaliye C/laahi Saalax Shirwac

Tuesday - November 30, 2010

Boosaaso: Maamulka Puntland ayaa ka hadlay dil shalay galinkii dambe loogu geystay bartamaha magaalada Bosaso C/laahi Saalax Shirwac oo ahaa xeer ilaaliyihi maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari .

Maxamed Xassan oo ah xeel ilaaliyaha guud oo saxaafadda la hadlayay ayaa Waxa uu ku eedeeyeen dilkaasi in ay ka dambeeyaan kooxaha Shabaab iyo kuwa xiriirka la leh ee ay kula dagaalamaan deegaanada Puntland.

Mar wax laga weydiiyay in ninkaasi ay dhici karto in loo dilay aano qabiil ayuu waxa uu sheegeen in ay jiraan dilal ku qotoma dhinacyadaasi balse midkani uu u muuqdo mid qorsheysan islamarkaana ay fuliyeen kooxaha nabad diidka.

Waxa uu sidoo kale beeniyay in ay dilkaasi ka dambeeyaan kooxaha burcad-badeed oo uu sidoo kale maamulku dagaal kula jiro.

Waxa uu sid cad u sheegay in dilkaasi ay ka dambeeyaan rag ka yimid koonfurta Soomaaliya oo xiriir la leh kooxda Al-Shabaab ee dagaalada ka wada koonfurta Soomaaliya.

Marxuunka la dilay ayaa dhawaan loo magacaabay jagada xeer ilaaliyiha maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari, waxaana uu ka hor maamulku kasoo qabtay jagooyin la xiriirta dhinaca booliska.