Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Xildhibaanadi Codka Kalsoonida Uu Diiday Xukuumada Farmaajo Oo Garaacaya Durbaan Haragi Ka Qoyey

Tuesday - November 30, 2010

Xildhibaannadii codka kalsoonida ah u diiday xukuumadda cusub ee Soomaalya ayaa sheegay inay mooshin ka gudbin doonaan guddoomiyaha baarlamaanka, iyagoo sheegay inuu si aan sharci ahayn u maamulay ansixintii xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

"Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaan ka gudbinaynaa mooshin, waayo wuxuu si aan sharciga dalka u dagsan iyo kan baarlamaanka u ansixiyay xukuumadda cusub ee Soomaaliya, isagoo la soo baxay falal khiyaanooyin ah" ayay tiri xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo saxaafadda la hadashay.

Xildhibaannada ayaa maanta saxaafadda ugu sheegtay Muqdisho inay si aad ah u dhaliilsan yihiin qaabka lagu ansixiyay xukuumadda, waxayna sheegtay in xubno aan la ogeyn halka ay ku maqan yihiin lagu dabbaqay ansixinta.

"Afhayeenku, wuxuu sheegay in 72-mudane oo aan dalka ku sugnayn aysan imaan fadhiyada baarlamaanka muddo laba sano ah, sidaa daraadeedna ay ansax tahay xukuumadda maadaama ay heshay 251-cod, waana mid sharciga hareer marsan," ayay tiri Caasho Cabdalla.

Waxay si adag ugu eedeysay guddoomiyaha baarlamaanka inuu khiyaanay sharciga iyo xubnaha baarlamaanka, ayna mooshin ka geyn doonaan, si xilka looga qaado. Iyadoo diiday hadal kasoo baxay mudanayaal ay isku fikir yihiin oo ahaa inay xilkii ka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka.

Dhanka kale Xildhibaan Max'ed Muxyadiin Mukhtaar, oo isaguna ka mid ah xubnaha baarlamaanka ee kalsoonida u diiday xukuumadda, ayaa sheegay in afhayeenka golaha shacabka uu xilkiisii ku waayay, musuqmaasuq uu ku sameeyay ansixintii baarlamaanka.

"Mudanayaasha baarlamaanka waxaa looga baahan yahay inay isugu yimaadaan kulan ay ku doortaan guddoomiye cusub, waayo Shariif Xasan, wuxuu si cad oo aan gabbad lahayn u khiyaanay baarlamaanka, go'aan jeebkiisa ah ayuuna xukuumadda ku ansixiyay," ayuu yiri Mudane Mukhtaar.

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaan ka jawaabin eedeymaha kaga imaanaya mudanayaasha qaarkood, iyadoo dooddan ay tahay mid ku cusub oo kala qaybsanaan ku keeni karta golaha sharci-dejinta Soomaaliya.