Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Sadex Baarlamaan Keebaa Tix Mudan By Xasan Ciise

Wednesday - December 1, 2010

Waxaan in ka qarsooneyn burburkii ka dib in Dhulkii Soomaaliya la isku oran jirey ninba si u tashadey oo uu sameyntey sidii uu ku samayn lahaa maamul iyo nidaam uu ku soo rogo meelaha ay degan yihiin walina waxaa taagan meelo badan fawdadii iyo kala danbeyn la'aan baahdey oo kajirtey dhulkii Jamhuurida Soomaaliya la isku odhan jirey, hadaba xaga nidaamka iyo ka danbeynta wxaa ugu horeeyey oo u qaaday talaabooyin horumar leh Jamhuuriyada Somaliland oo shirar beeleedyo kadib u gudubtey nidaamka xisbiyada iyo doorashooyinxor iyo xalaal ah oo xukunka lagula kala wareego.

Taas waxaa soo labaysey maamul goboleedka Puntland oo daalaa dhac badan ka dib maamul iyo baarlamaan sameeyey walina aan cago adag ku taagnayn laakiin aad moodo inay dadaalayaan oo ay rabaan in ay horumar siyaasadeed sameeyan ilaa hada ay gaadheen in ay dastuur iyo qaabka sixbiyada in ay soo bandhigaan u dhaw yihiin.Qolada sadexaad waa koonfurta Soomaaliya oo dadaalka caalamku ku bixyaana badanyahay marka loo eego labada kale laakiin waxqabad la'aantoodu iyo is khilaafkoodu badan yahay oo aad moodaa wali in aanu garneyn meesha jiheeyaha siyaasda Soomaaliya u socdo,hadaba waxaan qormadan si gaar ah ugu eegaynaa sadexda baarlamaan ee ka kala jira Muqdisho, Garoowe iyo Hargaysa mid kasta wax qabadkiisa iyo dhaliishiiba iyada oo qoraalkan intiisa badan yahay ra'yi ururin

1-Baarlamaanka S/land: waa kan sadexda Baarlaaman ee aan xulanyo ugu horumarsan waa kan kaliya ee si toos ah ayu so xusheen ee ay u doorteen dadka ku dhaqan S/landwaxaaney ku yimaadeen qaab xisbiyeed oo ay ku so baxeen tartan xor ah oo ay dadweynuhu u codeeyeen, taasian waa astaanta koowaad oo ay kaga horumarsan yihiin asaagoodmudaddii ay joogeen waxa ay meel mariyeen go'aano dhawr ah iyo xeerar kala duwan inkaasta oo aaney sidii la filaayey ugu hagar bixin shaqadooda,oo ay dad badani ku dhaliilaan in mudanayaasha qaarkood aanay kaba warheyn deegaanadiilaga soo doortey wax ala wax ay ku sugan yihiin oo ay ugu danbaysay maalinkii loo codeynaayey ee uu tartanka ku jireywaxa ay si buuxda oo inta badan waafaqasan xeer hoosaadkooda iyo dastuurka S/land ula xisaabtamaan xukuumada ka jirta Dalka inkasata oo ay dadka u dhuun daloolaa arimahooda ku dhaliilaan in ay marar jiraan ansha iyo asluubta in ay dhaafaan hadana way is ilaaliyaan taasina wax badan waxa y u keentey ixtiraam ay ka helaan qeybo badan oo bulshada ka mid ah.
Guud ahaan waxaa ugu filan Baarlamaanka S/land amaan iyo wanaag in ay yihin baarlamaanka kaliya ee lagu so doortey si xor ah baarlamaan la soo doorteyna uu badali karo oo ay ka gudbeen nidaamkii beelaha iyo kala qoqobnaanta,oo mid kasta oo iyaga ka mid ah xisbiga uu rabo ayuu ka tartamikaraa waana wado jeexan tay oo laami ah cid maraysana uma baahna sahay badan iyo rafaad ay ku galaysaa ma jiro.
2-Baarlamaanka Puntland: waa ka labaad ee ku so xiga xaga horumarka kan S/land inkasta oo ay wali u dhiman tahay shaqo badan oo laga rabo in ay qabtaan baryahan danbe waxaa lagy amaanaa Baarlamanka Puntland in uu yahay mid aan shido badnayn oo aan dhib badan ku ku hayn maamulkooda inkasata oo anay wali ka gudbin heerki beelnimada oo mid kasta oo xubnaha baarlamaankaas ka mid ah u ku joogo magaca beeshiisa,waxaa u dhiman in ay u gudbaan nidaamka xisbiyada badan oo ay ansixiyaan dasruurka kala cadeynaaya qaabka y noqonayaan xisbiayda ay rabaan in ay kag baxaab hab beeleedku sida ay noqonayaan.Cid kastaa dhaliilo lagama waayo ee waxaa hada yar is qabqabsigooda oo ay ug danbaysay markii Cabdilaahi yuusuf iyo Cade Muuse madaxda ahaayeen,waxaanad moodaa wadada S/land in ay hayaan oo ay ku dayasho ka dhiganyaan iyaga.
3-Baarlamaanka TFG-da: waa kan ugu liita baarlamaanada ka samaysy koonfurta soomaaliya waana kan ugu tirada badan oo halka S/land keedu ka yahay 82 mudane kan Puntland yahay 66 mudane isagu waa 550 waxa ay labaatan mudane dheer yihiin baarlamaanka aduunku ugu balaadhan oo ah kan Hindiya waana Baarlaanka ugu tayada xun ama ugu liita waxaa laga yaaba in ay maalmo badan isku mari waayaan gacantaa la taagayaa iyo qarsoodi baa lagu codeynayan
ceebtooda kalena waxa ka mid ah kuwa codka aqlabiyad lagaga qaadaa xataa ma garaystaan oo waxay sheegaan in toodu uuni saxan tahay, waxanay dad badan oo arimaha Soomaaliya la socdaa yidhaahdaan kuwaaso waxa y ku fiican yihiin in la kala diro waayo waxqabadkooda waxyeeladoodaa ka badan, ilaa hada ay gaadhey in heeso lagu dhaliilayo la tiriyo taasian waxa ay muujinaysa ayey qabaan dad badani heerka ay taagan yihiin.Waxa hadii abaal marin la bixin lahaa maanta oo sadexdaad baarlaman la qiimeeyo waxaa koobka qaadi lahaa Baarlamanka S/land waana in ay taajka ay maanta gashan yihiin ilaashadaan.

Xasan Ciise .. Borama