Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Soo Galootiga Somaalida Oo Dalka Mozambique Ka Gasha Dhinaca Xeebaha

Wednesday - December 1, 2010

Sida uu sheegay afeeyaheenka booliska Mozambique Pedro Cossa oo u waramay raadiyaha Dowladda Mozambique ayaa sheegay in Soomalida iska dareereysa marka hore aay doomo waa weeyn geeyaan xeebaha soomaliya kadibna loo diyaariyo doomaha kaluumeysiga aay Soomalida daabulan.

Safarka badweeynta illaa laga gaarayo dhulka Muzambique Soomaalida wexeey ku bixiyaan 3000$ kun oo dolar .. Pedro Coss ayaa sheegay in Soomalida soo galootiga ah aay horey Mozambique ugu gali jiray safarka dhinaca dhulka ah balse maanta wexeey ka galaan dhanka badda gaar ahaan Gobalka waqooyi ee Cabo Gelgado ayaa ah meesha ugu weeyn ee Soomalida ay ka soo galaan Mozambique iyagoo u si gudba gobolada Nampula iyo Zambezia.

Afayaheenka ayaa sheegay in isbuucyadii la soo dhaafay aay xukuumada qabatay illaa saddex boqol ’300′ oo Soomalia sharci darro ah oo intooda badan sheegta qaxooti iyagoo kafaa’ideesanaya in Mozambique aay ka raadiyaan fursado wanaagsan oo aay ku nooladan.