Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Boqolaal

Wednesday - December 1, 2010

Wednesday, 01 December 2010
Kismaanyo (TogdhNewsG
350 Haween ah Al Shabaab u Furtay Tababar PDF Print E-mail
NS)- Kooxda Alshabaab ee dagaalka kula jirta dawladda Sheekh Sharif iyo

 ciidammada AMISOM, ayaa la sheegay inay tababar dagaal u furtay haween tiradoodu gaadhayso ilaa 350, iyada oo masuul ka tirsan kooxda Al-shabaab uu sheegay in haweenkani yihiin qaar iskood isku diwaangeliyey oo doonaya inay ka qaybqaataan dagaalada.

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in hor-joogayaasha xooxda Al-shabaab, ay toddobaadkan duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose ay tababar uga fureen dumar gaadhaya ilaa 350 qof, kuwaasoo la siinayo tababar xagga dagaalka iyo sida loo furfuro qoryaha dagaaladda oo dhameystiran si ay uga qaybqaataan dagaalada ka socda Muqdisho ee lagula jiro dawladda Sheekh Shariif iyo

PDF Print E-mail

350 Haween ah Al Shabaab u Furtay Tababar       
Wednesday, 01 December 2010 
Kismaanyo (TogdhNewsGNS)- Kooxda Alshabaab ee dagaalka kula jirta dawladda Sheekh Sharif iyo

 ciidammada AMISOM, ayaa la sheegay inay tababar dagaal u furtay haween tiradoodu gaadhayso ilaa 350, iyada oo masuul ka tirsan kooxda Al-shabaab uu sheegay in haweenkani yihiin qaar iskood isku diwaangeliyey oo doonaya inay ka qaybqaataan dagaalada.

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in hor-joogayaasha xooxda Al-shabaab, ay toddobaadkan duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose ay tababar uga fureen dumar gaadhaya ilaa 350 qof, kuwaasoo la siinayo tababar xagga dagaalka iyo sida loo furfuro qoryaha dagaaladda oo dhameystiran si ay uga qaybqaataan dagaalada ka socda Muqdisho ee lagula jiro dawladda Sheekh Shariif iyo AMISOM.

Wararka laga helayo degmada Kismaayo, ayaa sheegaya in haweenkan ay socod ku mareen gudaha degmadaas, kaasoo ahaa dhoolatus ay sameynayeen, waxaana hor-joogayaasha degmadaas ee Shabaabku ay ku sheegay in haweenku yihiin kuwo iskood isku soo qoray.

"Haweenkan, waa dhalinyaro la doonayo in la siiyo tababarka ciidamada, si ay uga qaybgalaan dagaalada, waayo qof walba oo Muslim ah, waxaa waajib ku ah inuu ka qaybgalo dagaalada jihaadka ah,” sidaa waxa yidhi Xasan Yacquub ka tirsan masuuliyiinta Al-shabaab ee Gobolka Jubadda Hoose.

Tababarkan oo ka furmay fadhiisin maleeshiyo oo ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha ee Kismaayo oo galbeed kaga beegan magalaada in ka badan 10-Km ayaa la sheegay inuu yahay kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo Horjoogaayshu tababar ku siiyaan haween go'aansaday inay dagaalada ka qaybgalaan.

Kooxda Al-shabaab oo lagu eedeeyo inay xidhiidh dhow la leeyihiin ururka Al-Qaacida, ayaa horay ugu baaqday inay haweenka iyo dadka gaboobay ka qaybgalaan dagaalada ka socda Muqdisho, si ciidamada AMISOM looga saaro Muqdisho oo ay ku ilaaliyaan dowladda taagta daran ee Soomaaliya.

Haweenka tababarka la siiyo ayaa loo diiday inay saxaafada la hadlaan, waxaana la arkayay markii ay socodka dhuulatuska ah ku dhexmarayeen iyagoo ku jeeni qaaran qoriga AK-47-ka ah, iyagoo wajiyadooda ay ka muuqtay inay ku faraxsan yihiin tababarka.