Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Shabaab Oo Weerarka Soo Galineysa Guutooyin Haween Ku Carrbisan Ham-Ham Iyo Reenka Qaylada Komandoos

Wednesday - December 1, 2010

Kooxda Alshabaab ee dagaalka kula jirta dawladda Sheekh Sharif iyo ciidammada AMISOM, ayaa la sheegay inay tababar dagaal u furtay haween tiradoodu gaadhayso ilaa 400, halkaaso masuul ka tirsan kooxda Al-shabaab uu sheegay in haweenkani yihiin qaar iskood isku diwaangeliyey oo doonaya inay ka qaybqaataan dagaalada.

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in hor-joogayaasha xooxda Al-shabaab, ay toddobaadkan duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose ay tababar uga fureen dumar gaaraya ilaa 350 qof, kuwaasoo la siinayo tababar hanaanka weerar xagga dagaalka iyo sida loo furfuro qoryaha dagaaladda oo dhameystiran si ay uga qaybqaataan dagaalada ka socda Muqdisho ee lagula jiro dawladda Sheekh Shariif iyo AMISOM.

Wararka laga helayo degmada Kismaayo ayaa sheegaya in haweenkan ay socod ku mareen gudaha degmadaas iyo sidi komaandooska ku reemaya ham-ham iyo qaylo alaahu akbar kaasoo ahaa dhoolatus ay sameynayeen, waxaana hor-joogayaasha degmadaas ee Shabaabku ay ku sheegay in haweenku yihiin kuwo iskood isku soo qoray.

"Haweenkan waa dhalinyaro la doonayo in la siiyo tababarka ciidamada si ay uga dagaalami karaan aaga hore waayo qof walba oo Muslim ah waxaa waajib ku ah inuu ka qaybgalo dagaalada jihaadka ah " sidaa waxa yiri Xasan Yacquub oo ka tirsan masuuliyiinta Al-shabaab ee Gobolka Jubadda Hoose.

Tababarkan oo ka furmay fariisin maleeshiyo oo ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha ee Kismaayo oo galbeed kaga beegan magalaada in ka badan 10-Km ayaa la sheegay inuu yahay kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo Horjoogaayshu tababar ku siiyaan haween go'aansaday inay dagaalada ka qaybgalaan.

Kooxda Al-shabaab oo lagu eedeeyo inay xiriir dhow la leeyihiin ururka Al-Qaacida, ayaa horay ugu baaqday inay haweenka iyo dadka gaboobay ka qaybgalaan dagaalada ka socda Muqdisho si ciidamada AMISOM looga saaro Muqdisho oo ay ku ilaaliyaan dowladda taagta daran ee Soomaaliya.

Haweenka tababarka la siiyo ayaa loo diiday inay saxaafada la hadlaan waxaana la arkayay markii ay socodka dhuulatuska ah ku dhexmarayeen iyagoo ku jeeni qaaran qoriga AK-47-ka ah, iyagoo wajiyadooda ay ka muuqtay inay ku faraxsan yihiin tababarka.