Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Ciidamo Burundi Dheeraada Ah Oo Gaaraya 850- Askari Oo Ka Soo Dagay Garoonka Magaalada Mogadisho

Thursday - December 2, 2010

Muqdisho: Ciidan dheeraad ah oo tiradooda lagu sheegay 850-askari oo ka socda dalka Burundi ayaa la geeyay magaalada Mudiso, halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo kale oo AMISOM ah. Ciidankan cusub ayaa buuxiyay tirada guud ee ciidamada AMISOM ee in badan lagu taamayay kuwaasoo iminka ah sideed kun oo askari (8.000).

"Sida nalaga codsadayba,waxaan hal guuto oo ciidan ah u diray magaalada Muqdisho dhawaan, kuwaas oo qeyb ka noqonayay ciidamada horay nooga joogay Somaliya ee AMISOM", sidaa waxaa yiri sarkaal u hadlay ciidanka Burundi oo lagu magacaabo Gaspard Baratuza, Waxa uu sheegay in hal guuto oo kale ay wali u wadaan tababar kuwaasoo iyana dhawaan loo diri doono magaalada Muqdisho.

"Burundi waa ay ka go`an tahay in ay gacan siiso Soomaaliya iyo soomaalidaba,sidii ay iyaguba gacan noo siiyeen markii aanu u baahneyn" ayuu yiri Gaspard Baratuza. Midowga Afrika ayaa doonaya in tirada guud ee ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya la gaarsiiyo 12.000 oo askari. Kordhinta ciidamada Burundi ayaa ku soo beegmeysa xilli Golaha Amaanku ogolaaday in la kordhiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.