Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Nin La Gawracay Oo Meydkiisa Saaka Laga Helay Saylada Xoolaha Ee Burco

Thursday - December 2, 2010

Burco: Waxaa saaka Subaxii hore laga helay meel u dhaw saylada Xoolaha ee Magaalada Burco maydka wiil dhalinyaro ah oo la bireeyay kaas oo ilaa haatan aan la garanaynin cida ka danabaysay dilkani Foosha xun. Wiilkan la dilay oo lagu magacaabijiray Mustafe Cilmi Kaahin ayaa isagu ka mid ahaa aradayda wax ka barata Dugsiga Sare ee Candlelight Burco kaas oo dhigan jiray fasalka 4aad ee Dugsigaasi.

Maydka Saaka la helay ee wiilkani ardayga ahaa ayaa waxaa uu u muuqday mid la gawracay taas oo aragaxgax badan galisay dadweynaha Magaalada Burco. Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco oo la keenay maydka ardaygani ayaa waxa soo buux dhaafiyay dadweyne aad u tira badan kuwaasi oo ka argagaxay falkani layaabka leh ee habeenkii xalay ahaa ka dhacay Magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco.

Saraakiisha ciidamada Booliska oo aan la xiriirnay si aanu wax uga ogaano dilkani foosha xun ee ka dhacay magaalada Burco ayaa waxa ay hadalkooda ku soo gaabsadeen inay socdaan baaritaano aanayna ka hordhacaynin ilamaayo inta ay soo saarayaan natiijada ay helaan cidii falkani ku luglahayd. Maahaa markii ugu horaysay ee Maagalada Burco lagu dilo qof rayid ah taas oo la garanwaayay cid dishay balse waxaa dhawaanahanba isa soo taraayay Dilal Qorshaysan oo loo gaystay dad rayidka ah taas oo cidamada Boolisku ay shegeen inay wadaan baadhitaanada hawlaha noocaas ah ee magaalaa ka dhacay ... Maxamed Cawed Maxamed-Burco